BF oo maanta gaaray go’aan ka kooban 3 qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goog dhaw naga soo gaaray guddoonka sare ee Baarlamaanka ayaa inoo xaqiijiyay in shirkii maanta ee guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka lagu go’aansaday. Qodobadan.

  1. 1. Maadaama ay Baarlamanka hor yaalliin hindsiyo sharciyeedyo badan iyo Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha, In Baarlamaanka uu sii furnaan doono ilaa laga xalliyo lana ansixiyo hindise sharciyeedka hor yaalla baarlamaanka. Baarlamaankana aanu xirmi doonin Bishan Ogosto 27, 2015.
  2. 2. Guddiga joogtada ah waxaa ay baaq u direen Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Maxamed Sheekh Jawaari in uu sida ugu dhaqsaha badan ugu gudbiyo mooshinka Maxkamadda sare
  3. 3. In Xildhibaanada saxiixay mooshinka ay ka waantoobaan in ay qabtaan shirar jaraa’id oo aay ka been abuuraan mowqifkooda, haddii uu isbedelayna aay ilaaliyaan sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamanka, lagana waantoobo in la jahwareeriyo ummadda Soomaaliyeed

Caasimadda Online oo la xiriirtay xildhibaano ka mid kuwa gudbiyay mooshinka ayaa inoo sheegay in guddi ka kooban 30 xildhibaan loo dirayo caawa in ay la fariistaan Guddoomiyaha ugana jawaabaan su’aalaha sharciga ah ee mugdiga kaga jiro Guddoonka.

Waxaa loo badinayaa in Mooshinka loo gudbiyo Maxkamadda Sare ugu danbeyn Maalinta Sabtida ah oo ay taariikhdu tahay Ogosto 22, 2015.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com