“Waxaan u sheegeynaa Xasan Sheekh in kursiga aysan cid kusii heyn karin” Waxaa sidaas yiri…!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Barre oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ee Madaxweynaha Mooshinka ka gudbiyay, ayaa sheegay in la joogo waqtigii Madaxweynaha Somalia uu u tanaasuli lahaa umadda Somaliyed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhamaan Umadda Soomaaliyeed ay go’aan ka sugayaan Madaxweyne Xassan si uu u faarujiyo aqalka looga arimiyo dalka, waxa uuna ugu baaqay in wakhtiga uusan Xildhibaanada ka lumin oo uu is casilo.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale cadeeyay in dhamaan Xildhibaanada ay isugu jiraan 2 qeyb qeybta koowaad ay yihiin kuwa Mooshinka saxiixay, halka qeybta labaadna ay yihiin kuwo is qarinaaya oo maalinta codeynta lasoo bixi doono geesinimo.

Waxa uu tilmaamay in go’aanka Mooshin wadayaasha uu yahay mid aysan bedeli karin Madaxtooyada Somalia iyo Beesha Caalamka, balse kaliya ay tahay mid ku xiran Xildhibaanada bahoobay, taasina ay meesha ka saareyso Siyaasada Xassan Sheekh.

Isaga oo arrinka Mooshinka ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Dalka hadii uu qalalaasyo siyaasadeed galaayo cidda gelinaysa waa Madaxweynaha, waan ugu nasteexeyneynaa inta kiiskaan aanu meel weyn tagin, xasaanada lagaa xayuubin, waxaan ku leenahay Madaxweyne is casil”

”Go’aanka Mooshinka beesha Caalamka kaama difaaci karto waxaan kugu baaqeynaa in aad is casisho waayo dadku wey ku sugayaan”

Cabdi Barre Yuusuf, waxa kale uu sheegay inaan laga noqon karin Mooshinka Madaxweynaha Somalia laga soo gudbiyay oo Xildhibaankii saxiixay uusan ka laaban karin, taasina ay ku cadahay Xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Dhanka akle, Mooshinka ayaa waxa uu walaac gaar ah ku abuuray Madaxweyne Xassan iyo Beesha Caalamka oo dhinac ka ah Siyaasada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com