Xildhibaanno wada qorshe ka dhan ah AMISOM!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan dalka ay ku sugan yihiin Ciidamo iyo Xubno kasoo kala jeeda Dowladaha Somalia xiriirka diblumaasiyadeed la leh ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaday Xildhibaano ka tirsan BF Somalia.

Xildhibaan Ibraahim Saleebaan Ilka Case oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay inaysan suuragal noqon doonin in Dowlado iska soo gala Somalia hadana iska laabta.

Waxa uu sheegay in BF Somalia uu arrintaasi kala xisaabtami doono Madaxda sare ee Qaranka waxa uuna cadeeyay inaan raali ka ahaan doonin in Somalia micnodaro lagu soo galo, iyada oo aan loo faa’iideyn.

Waxa uu tilmaamay inay ogyihiin in go’aankaasi uu culeys ku noqon doono DF Somalia, balse ay ahmiyada siin doonaan ilaalinta shuruucda dalka, sidaa awgeedna aysan dhici doonin in Somalia leyska soo galo.

Xildhibaanka ayaa dhibaatooyinka soo galida laga dhexlay tusaale usoo qaatay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Caalamka kale ka socda oo xasuuq u geysta Muwaadiniinta dalka kadibna dib uga baxa Somalia iyada oo aan lala xisaabtamin, sida uu hadalka u dhigay.

Nasiib darro ayuu ku sheegay in Somalia oo ay Dowlad ka jirto hadana laga fuliyo duulaano aysan waxba kala socon Dowlada, taasi hadii ay sii soctana ay kala xisaabtami doonaan Xukuumada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay xildhibaanka in baarlamaanka uu ka hadli doono tacaddiyada ciidamada AMISOM ay ka geysteen dalka, kuna qanacsaneen hanaanka ay wasaaradda gaashaandhiga uga jawaabtay arimahaasi.

Nuqul kamid ah hadalka Xildhibaanka ayaa waxaa kamid ahaa “Waxaan halkaani ka cadeyneynaa inaan marnaba ku qanacsaneyn hadalka kasoo baxay Wasaarada Gaashandhiga, marka hadalkaasi la eego waxaa ka wanaagsanaa hadalkii uu jeediyay taliyaha ciidamada AMISOM ee gobalada dhexe, waa in la cadeeyo dadka la laayay iyo cidda laysa, waa howl u baahan in la baaro wixii ka dhacay Halgan iyo tacaddiyada AMISOM ay dalka gudahiisa ka geysteen, guddiga difaaca Baarlamaankana aad buu u dadaalayaa oo maalmahaan wuxuu ku mashquulsan yahay la kulanka Taliyayaasha Ciidamada Amisom’’

Waxa uu sidoo kale, dhaliil xoogan u jeediyay Ciidamada kale ee caalamka kaga sugan Somalia ee iyagana xiliyada qaar geysta talaabooyin aysan ku qancin waxa uuna wacad ku maray inaan Dowladaha ay kasoo jeedan looga hari doonin xisaabtana ay la imaan doonaan.

Dhanka kale, xildhibaan Ibraahim Saleebaan ayaa cadeeyay in dagaalada ka socda Gobolada dalka ay ka qeybqaatan Ciidamo aan ka tirsaneyn nabad ilaalinta AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com