Madaxweyne ku-xigeenka Ahlu-Suna oo la xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in Ciidamada Galmudug ay goordhow xireen madaxweyne ku xigeenkii Ahlusunna Waljamaaca.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Ciidamada Maamulka ay hareereyen Hoteel uu ku sugnaa Madaxweyne ku-xigeenka islamarkaana ay halkaasi kala baxeen iyaga oo ula dhaqaaqay dhanka Madaxtooyada Cadaado.

Xariga ayaa ka danbeeyay kadib markii Ciidamada ay kawarheleen in Magaalada uu dhinac kaga sugan yahay Madaxweyne ku-xigeenka oo la sheegay inuu tashkiilinaayay Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed, taasina ay keentay xariga.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlusunna Cabdullaahi Xirsn Diirshe Prof Daacad oo u warramayay Idaacadda SMN ayaa dhankiisa ka sheegay in Ciidamada Galmudug ay isku dayeen in ay xiraan.

Waxa uu sheegay in Ciidamadu ay soo weerareen kuna hareereysan yihiin Hoteelka islamarkaana ay qorsheynayaan inay la baxaan oo ay ku xiraan Xabsi ku yaalla Madaxtooyada Cadaado.

Saraakiisha Ciidamada Galmudug ayaa Madaxweyne ku-xigeenkaasi ku eedeeyay in uu carqalad ku yahay wadahadallada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Geesta kale, xariga iyo caga jugleynta ayaa imaaneysa xili maalmo ka hor Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqay inay wadahadal la fureen Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com