Gudlaawe oo kashifay sir ku saabsan maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe (Aqri)

Jowhar (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe oo kamid ahaa saxiixayaashii dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kuna laatay magaalada Jowhar ayaa markii ugu horeeyay ka hadlay waxyaabaha keenay dib u dhaca magacaabida gudiga farsamada maamulada labada gobolka.

Cali Guudlaawe, ayaa sheegay in dhismaha maamulkaasi uu yahay mid ay isla garteen xubnihii ku saxiixay magaalada Muqdisho, laakiin ay adkaatay in laga gudbo caqabadii koowaad ee aheyd dhismaha gudiga farsamada maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale gudoomiyaha Shabeelaha Dhexe, ayaa sheegay in wali la isku fahmi weysan yahay halka noqoneyso caasimada maamulka la sameynayo iyo goobta uu ka dhacayo shirka maamulka loo sameynayo labada gobolee deriska ah.

“Waxaan idiin sheegayaa wali la iskuma fahmin gudiga farsamada, halka shirka lagu qabanayo iyo caasimada maamulka cusub uu yeelanayo”sidaasi ayuu dadweyne badan u sheegay Gudoomiye Guudlaawe oo maanta ku laabtay magaalada Jowhar.

Waxaa soo baxaya baqdin xoogan oo laga qabo dhismaha maamulkaasi in dib u dhac uu ku yimaado, maadaama horay loogu hishiiyay 15 kii bishan in gudiga farsamada lasoo magacaabo bilowga Septembar-na la galo wajiga koowaad ee dhismaha maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com