Farax C/qaadir oo si kulul uga hadlay mooshinka laga geeyay Xasan Sheekh & musharaxnimadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Faarax C/qaadir oo kamid ah Mas’uuliyiinta saaxiibada dhow la ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markiisii ugu horeysay ka hadlay mooshinka xildhibaanada BF Somalia ka gudbiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in Mooshinka iminka laga keenay Madaxweyne Xassan uu yahay mid sahlan markii loo eego xasaradaha dhowr jeer ka dhex dhashay Madaxtooyada iyo BF Somalia.

Faarax waxa uu tilmaamay inay is Khilaafi karaan Madaxweynaha iyo Baarlamaanka, waxa uuna taasi ku sheegay inay tahay mid muujineysa horumarka uu dalka ku talaabayo, bacdamaa ay soo kordheyso kala aragti duwanaanta Madaxda Qaranka.

Mooshinka laga geeyay Madaxweynaha ayuu ka dhigay mid aan sidaa usii buurneyn isaga oo sabab uga dhigay tirada Mooshin wadayaasha iyo Muxaafadka oo isku dhiiltiran, taasi oo meesha ka saareysa baqdintii laga qabay Mooshinka.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay Mosharaxnimada Madaxweyne Xassan waxa uuna tilmaamay in Madaxweynuhu uu sheegay kaliya inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo taasina aysan dhaawac u geysan karin Siyaasada dalka.

Waxa uu tilmaamay in Madaxweyne Xassan uu is sharaxikaro taasina ay tahay mid isaga khuseysa islamarkaana mudan in wax laga weydiiyo.

Waxa uu beeniyay tuhunka la xiriira inuu kaalin mug iyo miisanba leh Siyaasada kusiiyo Madaxweyne Xassan Sheekh balse ay suuragal tahay in xiliyada qaar ay wadaagan Siyaasado jawi hoose ah.

Geesta kale, waxa uu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay heerka uu gaarsiisan yahay is fahan la’aanta Madaxtooyada Somalia iyo Xildhibaanada Mooshin wadayaasha kasoo horjeeda Siyaasada Madaxweyne Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com