Xog iyo gorfeyn: Madaxweyne Xassan Sheekh oo eedsanaya diidmadii doorasho nin iyo codkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxii ka danbeeyay markii ay meesha ka baxday Dowladdii dhexe ee Madaxweynaha uu ka ahaa Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre Somalia waxaa soo maray Dowladdo kala duwan Heerkastaba ha ku yimaadeene,waxaana inta badan Dowladdihii KMG ahaa ee Dalka Soomaray lagu soo dooran jiray Dalka Dibaddiisa,waliba qaab Baarlamaani ah.

Sanadkii 2012-Bishii Augosto waxaa la soo dhisay Baarlamanka Federaalka ah oo ka kooban 275 Xildhibaan,kuwaas oo ay soo xuleen Odayaal ka soo jeeda Beelaha kala duwan ee Soomaalida.

10-kii September Xarunta Dugsiga Tababarka ee Generaal Kaahiye waxaa Xilli Habeeyn ah lagu doortay Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,waxaana uu ka guuleeystay Madaxweynihii Dowladdii KMG aheyd Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Waxii intaa ka danbeeyay Dowladda Somalia oo Taageero Fiican ka heshay Beesha Caalamka waxaa ay sheegtay in ay isbadal muuqda ay la imaan doonto oo Dalka laga hirgalin doono Nidaamka federaalka islamarkaana 2016 Doorasho Qof iyo Cod ah ay ka dhaceeyso dalka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa horay u sheegay in ay qasab tahay in ay Dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah oo ka dhici doonta Goobkasta oo Dalka kamid ah.

Dadka ka hadla Arrimaha Siyaasada Somalia ayaa aaminsan in ay adag tahay Doorasho ka dhacda Wadanka,Maadaama qaabka Dowladdu ay wax u wado uusan aheyn midkii loo baahnaa.

Labada Gole ee Dowladda oo kala ah Golaha Sharci dajinta iyo Xukumadda waxaa ay soo saareen Go’aan ay isku waafaqeen oo ah in 2016- aysan Dalka ka dhici Karin Doorasho Shacbi.

Cumar C/rashiid Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo ah Ra’iisul Wasaarihii Saddexaad ee Xukumadda Somalia ay yeelato tan iyo waxii ka danbeeyay 2012- ayaa sicad u sheegay in ay Adag tahay in Doorasho Qof iyo Cod ah ay dhacdo.

Markuu soo baxay Go’aanka Labada Gole ee Dowladda ayaa waxaa ka hor yimid qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed,Xildhibaano iyo Waxgaradka intaba.

Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Hogaamiyaasha Xisbiyada Mucaaradkaa ayaa qaba in Dano Siyaasadeed laga lahaa Go’aankii Xukumadda iyo Baarlamanka ay wada gareen,Dowladuna ay u sal xaaraneeyso waxti kordhin.

Sidoo kale Xildhibaan C/rixmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah Baarlamanaka Federaalka ayaa qaba in Dowladda waxtigeedii ay ku lumisay Khilaaf iyo Isjiid jiid,waxuuna xusay in Go’aankii Labada Gole ay gaareen uu yahay mid ay ku fashilmeen.

Muumin Maxamed Gariig oo kamid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa dhankiisa qaba in Waqti hore Dowladda looga baahnaa in ay sheegto in aysan dalka ka dhici Karin Doorasho Shacbi.

Dowladda federaalka ayaa horay u sheegtay in Dalka ay ka dhaceeyso Doorasho Shacbi,hadaba maxaa iska badalay,waakan Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi xayir Maareye oo sheegay in DF Somalia ay meel fog ka fiirineyso Siyaasada dalka sidaa awgeedna ay Madaxtooyada Somalia u aragto in doorasho nooceeda uu sidaa yahay aysan ka dhici karin Somalia.

Inkastoo Dad badan oo Soomaaliyeed ay qabaan Fikirka ah in Dolwdda Somalia ay u gogol xaaraneyso in ay Waqti ku darsato ayaa Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud waxaa uu dhawr jeer sheegay in aysan dhici doonin in Hay’addaha Dowladda ay Waqti kor dhin sameeystaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com