Xog: Xildhibaanadii sheegay inay mooshinka ka laabteen oo arrin lama filaan ah ay kusoo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Guurre oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay wararka laga baahiyay Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay.

Xildhibaanka oo la hadlaayay BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay in Mooshinka uu halkiisa taagan yahay islamarkaana uu ujeedkoodu yahay in wax laga bedelo arrimaha sababay Mooshinka.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay jiraan Seddex Xildhibaan oo baahiyay inay ka laabteen Mooshinka, balse waxa uu tibaaxay in xeerka u degan uu yahay in Xildhibaankii Saxiixa Mooshinka uu ka bixitaankiisa fursad u heysto ka hor inta aan la gudbin Mooshinka hadii mar la gudbiyana aysan suuroobeynin ka bixitaanka.

‘’Inta aan ognahay Seddex Xildhibaan ayaa sheegay inay ka baxeen Mooshinka, laakiin Xeerka ayaa beeninaaya ka bixitaankooda waayo waxa ay fursad u heysteen inay ka baxaan inta aan la gudbin, maadaama ay xiligaasi ka bixi waayen aysan hada u suuragaleynin inay ka baxaan’’

Xildhibaanka waxa uu sheegay in xubnaha ay kala kulmeen ilaa iyo hada Beesha Caalamka aysan kusii fogaan faragalinta balse kaliya ay uga digeen in Mooshinka uu sababo hakinta shaqada Dowlada.

Sidoo kale, waxa uu carab dhaaway in Mooshinka uu yahay mid aan saameyn doonin shaqooyinka Dowlada kaliya uu ku ekaan doono Madaxweyne Xassan loona baahan yahay inuu iska badbaadiyo bacdamaa uu isaga sabab u ahaa in laga keeno Mooshinka.

‘’Anigu u gafi maayo Madaxweynaha dalka balse waxaan leeyahay ha isku dayo in Xildhibaanada uu ka qanciyo arrinta taagan’’

Dhanka kale, waxa uu ballanqaaday in dhankooda aysan sabab u noqon doonin inay burburiyaan Howlaha hormarineed ee Df Somalia balse Mowqifkooda uu yahay inay ka mirro dhaliyaan Mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com