XOG: Beesha caalamka oo XASAN SH. u yeertay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay ilo beesha caalamka ka tirsan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuuud mar kale looga yeeray Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxaa soo dalbaday Danjirayaasha Beesha Caalamka ka jooga Magaalada Muqdisho si ay su’aalo uga weydiyaan Mooshinka iyo qaabka lagu xalinkaro.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in kulanka ay goobjoog ka noqon doonaan Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo horay ula kulmay Madaxweyne Xassan si ay xog dheeraad ah uga bixiyaan kulanka wajigiisii koowaad oo ka dhacay Villa Somalia.

Su’aalaha la weydiin doono Madaxweyne Xassan ayaa waxaa kamid noqon doona Mooshinka, wakhti kororsiga, arrinta Soma Oil and Gas, waxa uuna kulanka u badnaan doonaa is weydaarsiga arrimaha la xiriira Mooshinka iyo dareenka Xildhibaanada.

Kulanka ayaa waxa uu barbar socdaa kulamo maalmahaani uu Xassan Sheekh la qaadanaayay Xubno ka kala socday QM, IGAD iyo Hay’adaha deeq bixiyayaasha oo iyaguna si gaar ah xiligaani u daneynaaya arrimaha Somalia.

Lama saadalinkaro natiijada kasoo bixi karto kulankaani loogu yeeray Madaxweyne Xassan, waxaana jiro xog muujineysa in kulanka ay banaanka ka ahaan doonaan Wasiirada, Xildhibaanada iyo Xubnaha kale ee ka howlgala Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com