Daawo Goodax Barre: Marar badan ayaan ra’iisul wasaare tuurnay laakiin markaan isagaa baxaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/laahi Goodax Barre, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee waddo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa si kulul u weeraray Xasan Sh.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ujeedada madaxweynaha ay mooshinka uga keeneen ay tahay iney xadidaan awooda madaxweynaha oo uu ku sheegay inuu iska dhigay qofka ugu awooda sareyso dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney doonayaan iney joojiyaan faragelinta uu ku hayo dhamaan hayadaha dowlada Soomaaliya, sida inuu maamulo xafiisyada wasaaradaha dowlada iyo xukuumada dalka Soomaaliya.

“ma dooneyno madaxweyne meel kasta isaga xukuma oo wasaarad kasta ku dhaca, annaga wax dhaqaalo ah ma dooneyno”ayuu yiri xildhibaanka

Hoos ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com