Dowladda Somalia oo camaabreysay weerarkii Faransiiska

Kulan gaar ah oo ay xalay xubnaha golaha wasiirada kuyeesheen xafiiska R/Wasaaraha Uuna Shir gudoominayay R/Wasaare C/faarax Shirdoon ayaa waxa ay uga hadlayeen Duqeyntii ay Ciidamada kumaandooska dowlada Faransiisku ay Ka sameeyeen Deegaanka Buula Mareer oo Ay Ku doonayeen inay Kusoo furtaan sarkaal Faransiis ah Oo Sanadkii 2009 laga afduubtay Magaalada Muqdisho duqeyntaas oo wax yeeshey dad Shacab ah oo ka agdhawaa goobta ay Argagaxisadu kuheysteen sarkaalkii u dhashay dalka Faransa waxa ayna xubanaha golaha Wasiirada kulankoodi xalay Ku cadeeyeen In Ay aad uga xunyihiin arintaasi.

Dowladda Soomaaliyana ay cambaareyneyso waxa ayna sidoo kale xubnaha golaha Wasiirada Katacsiyeeyeen dadkii Soomaaliyeed ee Ku geeriyooday duqeyntaasi Iyo Dadka Dowladda Faransa uga geeriyooday weerarki Buula Mareer.

R/wasaare Kuxigeen ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Ayaa markii uu soo gabagaboobay Kulankii ay xalay yeesheen golaha wasiirada Xukuuumada Soomaalya lahadashay Warbaahinta Qaranka waxa ayna tilmaamtay in Xukuumadu ay Ka Xuntahay raalina Ka aheyn duqeymihii Dowladda Farinsiisku ay Ka Sameeyeen deegaanka Buulo Mareer ee gobalka Sh/Hoose.

Dhinaca kale wasiirka ariimaha dibada Soomaaliya ayaa tilmaamtay in guul ay dowlada Soomaaliya Ka gaartay Burcad Badeeda Soomaalida ah iyadoo loo marayo hab wada Hadal Taasna ay suurta galisay in si shuruud La’aan ah ay Kusoo daayaan dad Ay Heysteen Burcadu Iyadoo sidoo kale R/wasaare kuxigeenku faraxad Ku tilmaamtay in Tiro Burcad Badeed ah oo Gaaraya 120  ay isisoo dhiibaan.

Habeen kahor ayey aheyd markii deegaan Kuyaala gobalka Sh/Hoose ay Ka fuliyeen Diyaaradaha dagaalka Faransiisku howlgal ay Kusoo Furanayeen Denis Alakis oo 2009 Laga Afduubtay magaalada Muqdisho howlgalkaasi oo Qasaaraha Ka dhashay Ilaa hadda Ay Faahfaahino dheeraad ah Kasoo Baxayaan, iyadoo Faransiiskuna war ay Kasoo Saartay Howlgalkaasi lagu Sheegay in hal Askari Iyo Denis Alakis oo ay afduubka u Heysteen Al Qaacida Ay Ku geeriyoodeen howlgalkaasi.