DF Somalia oo u yeertay dhammaan Safiiradda ka jooga dalalka Dibedda

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa u yeertay dhammaan danjirayaasha Soomaaliya u jooga caalamka, kuwaasoo lagala hadli doono qorshayaal cusub.

Sida ay Shabakadda Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda waxa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya u yeertay dhammaan danjirayaasha u matalaya Soomaaliya waddamada caalamka.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa wada qorshayaal cusub oo ay ku dooneyso siddii isbadal loogu sameen lahaa qaababka ay ku shaqeeyaan safaaradaha ay lee dahaya dibedda.

Waxa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hooggaaminaayo xogahayha koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Markii wafdiga ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayuu la hadlay saxaafadda waxana uu sheegay in wafdiga u yimaadeen magaalada Muqdisho ka jawaabid ay ka jawaabayaan u yeeris ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya u yeertay dhammaanba safiirrada,mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay dalka dibaddiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa damacsan siddii ay xilalka ugu qaadi lahayd dhowr danjirayaal oo Soomaaliya u fadhiya qaar ka mid ah waddamada caalamka, kuwaasoo dowladda aysan la dhicin qaabka ay u shaqeeyaan.

Waxa dhawaan soo baxay warar sheegaya in safaaradda Soomaaliya ay ku lee dahay Roma laga kireeyay shirkad qaabilsan dalxiiska oo laga lee yahay Talyaaniga.

Arrintaas ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya aysan la dhicin isla markaana lagu soo wargalin tallaabada uu qaaday Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) oo ah danjiraha Soomaaliya u fadhiya Roma iyo midowga Yurub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho