Dowladda Somalia oo looga digay shirqool cusub oo ay Kenya maleegeyso

Nairobi (Caasimada Online) –  Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed marna Wasiir ka soo noqday Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si kulul uga hadlay xiisada Soomaaliya iyo Kenya iyo jawaabtii dowladda Federaalka siisay Kenya.

Cabdi Kariin Guuleed, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku taageeray jawaabtii dowladda Federaalka ka bixisay Go’aankii Kenya, waxaana uu farrin u diray Madaxda dowladda Federaalka.

“Waxaan shaki ku jirin in jawaabtii ay dowladda Soomaaliya ka bixisay murankii diblumaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya ay ahayd mid munaasib ah, lana jaanqaadayey dareenka Shacabka Soomaaliyeed, waxaase mooda inaysan dowladda Kenya ku qancin culeysna ku saareyso in wadahadal lagu xaliyo muranka xuduud badeed ee inagala dhaxeeya ayuu yiri Guuleed.”

Sidoo kale  Cabdi Kariin Guuleed ayaa dowladda uga digay inaysan u nuglaanin hanjabaadda Kenya, isla markaana ay lugaha la gelin bohol uu sheegay inay Kenya la raadineyso si ay u xalaaleysato dhulka Soomaaliya.

Hanjabaadaha Kenya ayaa loo arkaa inay ku dooneyso inay dowladda Soomaaliya ku qasabto in laga laabto kiiska maxkamadda oo miiska wada-hadalka la isugu yimaado.

Hadalkii dhawaan kasoo yeeray dowladda Kenya jawaabbtii ay ka bixisay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si wadajir ah u taageeray Siyaasiyiinta mucaaradka iyo badi Shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com