‘Dowladda Soomaaliya oo bahdishay dowlada Kenya’

Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta Kenya ayaa warbixin ka qoray wax u muuqda bahdil ay dowladda federaalka Soomaaliya ku sameeneyso dowladda Kenya.

Wargeyska The Standard ayaa qoray in Kenya ay muddo laba bil ku dhow ay Soomaaliya ka sugeyso jawaab balse ilaa iyo hadda aan wax war ah lasoo siin, taasi oo Kenya ay ka carrootay.

Jawaabta Kenya ay Soomaaliya ka sugeyso ayaa la xiriirta kulan saddexdii bishii April magaalada Nairobi ku dhex-maray wasiirada arrimaha dibedda Kenya iyo Soomaaliya, Monica Juma iyo Axmed Ciise Cawad.

Kulankaas ayaa sida la sheegay labada dhinac ay isku raaceen dhowr qodob oo la diiwaan geliyey, hase yeeshee Kenya ayaa kadib qodobadii kulanka lagu diiwaan geliyey u dirtay Soomaaliya, si ay usoo xaqiijiso una soo ogolaato, si markaas kadib loo shaaciyo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda wax jawaab ah laga hayn, sida ay Kenya sheegtay, waxaana Kenya ay ku eedeeneysaa Soomaaliya inaysan dooneyn xiriir wanaagsna iyo wada-hadal.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta Soomaaliya aysan usoo ansixin qodobada kulanka, balse waxaa la rumeysan yahay inaysan ku qancin habka Kenya ay u dhigtay, oo ay ku jireen waxyaabo aan laga wada-hadlin.

Sidoo kale, dowladda federaalka ayaan marnaba ogoleyn in wax gor-gorton ah ay ka gasho muranka biyaha, taas oo ay horay u sheegtay in ay war sugi doonto kaliya go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Kenya ayaa wal wal xoogan ka qabta kiiskan, waxaana Khuburo dhinaca Badda iyo Diblomaasiyadda ah ay horay u sheegeen in ay u badan tahay in Kenya looga guuleysto dacwadda haatan ka furan Hague.

Dhinaca kale Aqooyahan Cabdullaahi Nuur Xaashi oo dagan magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ayaa carabka ku dhuftay in Kenya ay ogaatay, kadib sahmin ay sameysay, Kheyraadka faraha badan ee ku jira biyaha lagu muranan yahay, sidaasina ay ku damaacineyso Badda Soomaalia.

Aqooyahankan oo la hadlay mid ka mid Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Shidaalka dabiiciga ah ee ku jira Biyaha uu ka fudud yahay marka la soo saarayo kan bariga, taasina ay qeyb ka tahay waxa Kenya ku riixaya sheegashada biyaha Soomaaliya.

ICJ ayaa la filayaa in go’aan kama dambeys ah ay ka soo saarto kiiskan dhammaadka sanadkan 2019-ka, si ay ugu kala baxaan  dacwaddaasi Soomaaliya iyo Kenya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com