Muxuu Bin Zayed ka sameenayey Masar saacado ka hor dhimashadii Mursi?

Qaahira (Caasimadda Online) – Saacado ka hor inta aan la shaacin dhimashada madaxweynihii la riday ee Dalka Masar Maxamed Mursi ayaa wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Abdullah bin Zayed Al Nahyan wuxuu  dalka Masar kula kulmay Madaxweyne Cabdil Fatah Al-Sisi si looga hortago siyaasadda kooxdii uu hoggaamiyaha u ahaa madaxweynihii geeriyooday.

Kulanka dhex maray imaaraadka iyo Masar wax yar ka hor dhimashada Mursi ayaa waxaa looga hadlay sidii ay labada Dowladood isku caawin lahaayeen.

Dowladda Imaaraadka ayaa Masar u ballan qaaday inay ka caawin doonto horumarka dhaqaale, sidoo kalana waxay Masar ka codsatay inay garab istaagto Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo wajahayo xaalado siyaasadeed oo adag sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo labada dhinac ah.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa muddo badan qarsaneysay cadaawadda daran oo ay u qabtay Nidaamkii Mursi, waxayna warbixino iyo shakhsiyaad badan xaqiijiyeen inay Abu Dubai taagero maaliyadeed ku taageertay afgambigii uu hoggaaminayey Al-Sisis ee xilka looga tuuray Allaha u naxariistee Maxamed Mursi.

Isla markii uu Al-Sisi ku dhawaaqay inuu afgambiyey Mursi 3 July 2013 Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa soo qoray ” Hambalyo hooyada Adduunyada” oo uu ula jeeday halmbalyo uu u dirayey Al-Sisi oo xukunka xoog kula wareegay iyo Shacabka Masar.

Wargeyska laga leeyahay dalka Mareykanka ee The Economist ayaa  Bishii April sanadkii 2018 xaqiijiyey inay Imaaraadka Carabta Malaayiin Dollar ku bixisay afgambigii ka dhanka ahaa madaxweynihii la doortay ee dalka Masar Maxamed Mursi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com