Dowladda Soomaaliya oo beesha caalamka u dirtay codsi la xiriira KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Beesha Caalamka ka dalbatay in loo madax-baneeyo oo aan lasoo faro-galin go’aannada ay ka qadaneyso dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Si gaar dowladda Soomaaliya waxay beesha caalamka uga dalbatay in aan lasoo faro-gelin khilaafka dublumaasiyadeed ee haatan kala dhaxeeya dowladda Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa dalabkaas ka jeediyey fadhigii lagu soo xiraayey shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo Muqdisho ka dhacay.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa xubnihii shirkaas ka soo qeyb galay ee beesha caalamka u gudbiyey dalabka dowladda Soomaaliya ee ah in aan lasoo faragalin go’aannada dowladda Soomaaliya ay ka qaadaneyso siyaasada arrimaha dibadda iyo la macaamilka dowladdaha dariska la ah.

“Mar walba dowladda federaalka Soomaaliya waxay xushmeyneysaa madax-bannnaanida iyo midnimada dhulleed ee dowladdaha dariska la ah, si la mid ah ayaan anaguna ka dooneynaa,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

Hadalka wasiirka ayaa u muuqday mid jawaab u ahaa codsi uu shirkaas ka jeediyey wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, kaas oo dalbaday in la khafiifiyo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya oo haatan ka sii dareysa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya 29-kii bishii November dalka ka saartay safiirkii Kenya u qaabilsanaa Soomaaliya, iyadoo u yeeratay keedii joogay Nairobi.

Dowladda Soomaaliya waxay ku eedeysay Kenya inay soo faro-galisay arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadineyso fashilinta heshiiskii siyaasadeed ee laga gaaray doorashada Soomaaliya, in kastoo Kenya ay iska diiday eedahaas.