Qormo looga digay qatarta Al-Shabaab ee ku milanka doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab kaliya ma ahan kuwa raba iney fuliyaan qaraxyo ay ku carqaladeeyaan doorashooyinka ay Soomaaliya galeyso, balse waxey kaliya isha ku hayaan iney milmaan oo ay danahooda uga dhex fushadaan sida lagu qoray mid ka mid ah shabakadaha siyaasadda.

Qormadaan cinwaankeeda wuxuu yahay: cabsida weeraradda Al-Shabaab soo sii kordhaya kahor doorashooyinka dib-u-dhacay ee Soomaaliya” waxaa qalinka u qaatay Cabdullaahi Cabdile Shaadow oo la sheegay inuu yahay baare madax bannaan.

Qormadaan waxaa madaxda dowladda looga digay iney dagaalyahanada Al-Shabaab ka faa’iideystaan khilaafka dhexdooda ka jira, sidoo kalana waxey ku baaqeysaa in xalinta khilaafaadka jira la siiyo ahmiyadda ugu horresysa si looga gudbo is qab-qabsiga ka jira guddiyada doorashooyinka.

Weerarada Al-Shabaab ayaa kordhay bishii lasoo dhaafay iyadoo ay dhaceen qaraxyo ay dad shacab ah ku dhinteen, waxeyna taasi xusuusineysaa qof walba weeraradii dhacay ka hor doorashadii sanadkii 2017 lagu qabtay Muqdisho.

Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa ka digay milanka kooxda Al-Shabaab ee xubnaha xildhibaanada cusub isagoo sheegay iney jiraan xildhibaano isi soo sharaxay oo ay wataan kooxo hubeysan.

Qormada waxaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Shabaab ay raadineyso kaliya in doorashada ay u dhacdo sidii ay ayaga doonaan, sidoo kalana aysan dano weyn ka laheyn carqaladeynta qabsoomidda doorashada hadiiba ay heli karto fursadda ay ugu milmi karto.

Talihihii hore hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe oo warbaahinta maxaliga ah la hadlay ayaa sheegay in dad gacan saar la leh Al-Qaacida ay Muqdisho ka qaadeen odayaasha xulay xildhibaanada.

Inkastoo uusan faah-faahin dheer ka bixin, hadana cabsida laga qabo in Al-Shabaab ay ku milmaan doorashada waa middda ugu weyn, waxaana qormadaan lagu soo koobay ineysan Al-Shabaab kaliya xoogga saareynin sidii ay u carqaladeyn lahaayeen arrimaha doorashooyinka.

Dhanka kale walaaca jira wuxuu yahay in Al-Shabaab ay sanadkaan heleen dhaqaalo badan oo ay canshuur ahaan uga qaadeen ganacsatada Soomaalida ah, taasna waxey sahli kartaa iney saameyn ku yeeshaan doorashada.