Weerar iyo dagaal caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa ka soo baxaya weerar iyo dagaal caawa ka dhacay agagaarka isgoyska Carwo Itko, degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, waxaana la isku adeegsaday rasaas mudo socotay iyo bambo gacmeedyo.

Warar ay Caasimada Online ka heshay weerarkaas ayaa sheegaya inay fuliyeen rag hubeysan oo watay Gaari, kuwaas oo isku dayay inay si awood ah ku maraan Bar-control oo ku taalla isgoyska Carwo Itko.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ragaasi ay Qaad ku wateen, isla markaana ay booliskii ku sugnaa Bartaas Control ka diideen in la hubiyo waxa saaran gaarigii ay wateen.

Sidoo kale wararku waxay intaas ku darayaan in ragga hubeysan ay dhowr bambo gacmeed ku tureen, isla markaana ay rasaas huwiyeen ciidankii ku sugnaa bartaas control, sidaasna ay ku baxsadeen.

Dadka deegaanka, oo lasoo xiriiriyey Caasimada Online, ayaa sheegay inay maqlayeen rasaas fudud iyo mid culus oo ay isku adeegsanayaan laba dhinac, balse aysan ka bixi karin faahfaahin intaas dhaafsan, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare ka dhashay weerarkaas oo ragii fuliyey ay baxsadeen.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ku dhex-dagaala ciidamada dowladda Soomaaliya, inkasta oo ay suurta-gal tahay in dagaalkan ay dhinacyo kale ku lug leeyihiin.

Weli laamaha ammaanku wax faahfaahin ah kama bixin weerarkaas cidda geysatay iyo khasaaraha ka dhashay, in kastoo uu dhacay goor dhow, hadana saraakiil dhanka ammaanka oo aan la xariirnay si aan wax uga weydiino waa ay ka gaabsadeen.