Saraakiil ka tirsan militeriga DF oo lagu laayey weerar ka dhacay duleedka Guriceel

Gurceel (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar jid gal ah oo ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo lagu dilay saraakiil ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka, kuwo kalena lagu dhaawacay.

Inta la xaqiijiyey lix sarkaal oo ka tirsaneyd qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa la dilay, halka afar kale la afduubtay oo nolol iyo geeri aan toona lagu heyn, sida uu Caasimada Online u sheegay sarkaal ka tirsan qeybta 21-aad ee militeriga Soomaaliya.

Saraakiishaas ayaa lagu weeraray deegaan lagu magacaabo Cagfaroge oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Balambal iyo Guriceel ee galbeedka gobolka Galgaduud.

Weerarka waxaa fuliyey maleeshiyo beeleed u abaabulan qaab qabiil, waxayna wadada u galeen, isla markaana rasaas huwiyeen gaari ay la socdeen saraakiishaas oo ka baxay Gurceel, kuna sii jeeday Balambal, waxaana magacyada saraakiisha la dilay lagu sheegay.

1- Gaashaanle Dhagaqool Yuusuf
2- Gaashaanle Cabdi Guuna Guune
3- Laba Xiddigle Faarax Jaamac Colaad
4- Kabtan Shariif Cirro Maxamed
5- Gaashaanle Gaangul Xalane
6- Kabtan Siciid Xasan Faleey

Xogta ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in saraakiisha la laayey saakay laga soo qaaday degmada Balambal, isla markaana Imtixaan looga qaaday xero milatery oo lagu magacaabo Xoosh, taas oo ku taalla duleedka magaalada Gurceel.

Sababta loo weerar saraakiishaas waxaa la sheegay inay salka ku heyso aano qabiil oo mudo ka dhax taagneyd beelo kala dega Balambal iyo Gurceel, oo isku heysta baraago iyo tuulooyin ku yaalla duleedka degmada Balambal ee gobolka Galgaduud.

Taliska ciidanka xoogga dalka ee qeybta 21-aad iyo  madaxda dowlad goboleedka Galmudug ayaan weli wax war ah ka soo saarin weerarkaas lagu laayey saraakiishaas oo la sheegay inay ahaayeen dhilinyaro dhawaan ku biirtay ciidanka.