Dowladda Soomaaliya oo ciidamadii ugu badnaa soo dhigtay jidadka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgalo adag oo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa dhigtay waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada ay ahaayeen kuwo maalmihii ugu dambeeyay lagu tababarayay magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa habeenadii ugu dambeeyay baaritaano ka waday xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ay baarayaan gaadiidka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliska ayaa sanadkii lasoo dhaafay lagu amaanay adkeynta amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo Ramadaankii hore aysan wax qaraxy ah ka dhicin magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa xalay waxay Howlgal ka sameeyeen Xaafada ku teedsan Cali Kamiin ilaa Furayaasha ayaa waxaa lagu qab qabtay Dhallinyaro farabadan,

Ciidamada dowladda ayaa 30-kii March howlgallo habeen waliba ah oo u badan guri guri inta badanna lagu beegsado Dhallinyarada waxaa ay ka billaabeen magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa isaga oo ku sugan magaalada Garowe wuxuu sheegay in 40-kii maalin ee lasoo dhaafay ay ku guuleysteen adkeynta magaalada Muqdisho.

Caaismada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com