Shil baabuur oo Berbera ka dhacay oo khasaare badan dhaliyey + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, ayaa sheegaya in uu shil gaari oo culus uu ka dhacay duleedka magaaladaasi.

Shilkan gaari ayaa goordhweyd waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegannada Lafaruug iyo Xamaas oo ku yaala duleedka magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Shilkan ayaa waxa ka dhashay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo ilaa hadda aan la xaqiiji karin tirada rasmiga ah ee shilkaasi ku wax-yeelowday.

Sida ay Caasimada Online wararka ku helayso waxa hadda socota daabulida meydadka iyo bad-baadinta dhaawaca.

Shilkan ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo waaweyn oo loo yaqaano Waaraadka ama Candho-Meydle iyo Bas kuwa dad-weynaha ah oo ay leedahay shirkadda socdaalka ee Damal.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com