Xaaf oo loo ogolaaday in waqtiga loo kordhiyo iyo wararkii ugu dambeeyey

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno shirka Garoowe uga socda madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, ayaa sheegaya in la isku afgartay in hal sano loogu daro madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf.

Go’aankan ayaa imanaya kadib maalmo arrintan si aad ah la isugu hayey. Caasimada Online ayaa shalay qortay in dowladda diiday in ay u hogaansato heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-Sunna oo Xaaf siin lahaa 3 sano oo dheeri ah.

Xaaf ayaa la sheegayaa in weli uusan aqbali halka sano oo uu doonayo laba sano, waxaana socda dadaal lagu qancinayo.

Waxaa kale oo heshiiska ka mid ah in baarlamaanka ku sugan Cadaado ee Gacal Casir guddoomiyaha ka yahay uu sii joogo, lana soo celiyo.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in uu haatan wada hadal u socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweyne Xaaf iyaga oo ka wada hadlaya arrimaha labada dhinac, iyo inuu aqbalo yabooha dowladda.

Madaxweyne Xaaf ayaa marar badan ka sheegtay faragelinta dowladda dhexe, isaga oo ka cabanayey in laga goostay lacagtii loogu talo galay.

Arrintan ah in hal sano loogu dar, ayaa hadduu Xaaf aqbalo waxaa ay soo afjareysaa khilaaf u dhaxeeya hey’adaha Galmudug wax ka badan hal sano.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com