Farmaajo iyo Kheyre oo ku gacan seeray qodob adag oo madax goboleedyada ay ku adkaysanayaan

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ka socda shirka madaxda Dowladda Soomaaliya iyo maamul Gobaleedyada, waxaana wararku ay sheegayaan in aan ilaa hadda la isku mari la’yahay hal qodob oo ah qodobka kaliya ee Shirkaan horudhaca ah.

Sida aan xalay werinay waxaa shirka shalay oo dhan looga hadlay qodobka khilaafka dowladda iyo maamulka Galmudug, gaar ahaan madaxweyne Xaaf kadib markii madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay soo jeediyeen inta aan la guda gelin shirka in marka hore laga hadlo khilaafka Dowladda iyo Galmudug kadibna la galo tabashooyinka kale oo ay ka siman yihiin dhamaan maamul Gobaleedyda.

Maanta ayaa mar la isku dayay in qodobka Xafa gadaal loo dhigo, lagana hadlo arrimaha wada quseeya dhinacyada, hase yeeshee waxaa taas diiday Xaaf. Waxaa kadib dib loo guda galay arrinta Xaaf.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa ogolaaday inay la heshiiyeen Xaaf, hase yeeshee waxaa kadib la isku mari waayay aragti ay soo jeediyeeen saddexda Madaxweyene Gobaleed taas oo aheyd in dowladda Soomaaliya u hogaansanto qodobadii heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-Sunna ee shirkii Jabuuti ka dhacay.

Kheyre iyo Farmaajo ayaa diiday in ay qorsahhaas taageeraan, sababtoo ah Xaaf markaas waxay u ogolaaneysaa inuu Madaxweyne sii ahaado Afar sano oo heshiiskaas ka bilaabaneysa ama 3 sano oo hadda dhiman.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa ogolaaday inay la heshiiyaan Xaaf, islamarkaana dowladda ay dagaalka ka dayso, balse waxay ku adkeysteen in waqtigiisa kasoo billowdo xilligii uu beddelay Cabdikariin Guuleed, sidaas darteedna ay qasab tahay in sanadkan doorasho dhacdo.

Qodobkan oo ah qodob ay ku adkaysanayaan madax goboleedyada in xal laga gaaro marka hore, ayaa caqabad ku noqday in ajandayaasha kale ee

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu jiro muran iyo doodo xoog leh oo arintaasi ka taagan waxaana macquul ah in shirka lasoo afjaro ayada oo aan xilka Xaaf go’aan laga gaarin.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com