Dowladda Soomaaliya oo dhaqaale cusub dalbatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalab dhaqaale u gudbisay Bangiga horumarinta Islaamka, xili ay maanta kulan wada yeesheen Wasiirka maaliyada iyo madaxweynaha bangigaasi.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka maaliyada Soomaaliya ayaa maanta shir fogaan arag ah (Video Conference) la yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Bandar M.H. Hajjar, kaasi oo ka dalbaday lacag lagu kabo miisaaniyada Soomaaliya.

Beyle ayaa Hajjar ka dalbaday inuu dowladda Soomaaliya ka caawiyo Bangigu sidii ay uga soo kaban laheyd saameynta dhaqaale ee cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19.

Wasiirka iyo Madaxweynaha Bangiga ayaa ka wada-hadlay qaabka dowladda looga caawin karo hoos u dhaca dakhliga dalka iyo weliba saameynta dhaqaale ee Covid-19, sida uu sheegay Wasiir Beyle.

“Waxa aan maanta si ‘Maqal-Arag’ ah (Video Conference) ula shiray Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Bandar M.H. Hajjar, Waxa aan ka wada hadalnay saameynta dhaqaale ee Covid-19 iyo qaabka Bangigu uu nooga caawin karo hoos u dhaca dakhliga dalka” ayuu yiri Wasiirka maaliyada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo caalamka ah uu saameyn baaxad leh ku yeeshay dhaqaalahoodii cudurka safmarka ah ee Coronavirus.