Turkiga oo soo bandhigay qorshe ku wajahan LIBYA kadib guul-darradii Haftar

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa soo bandhigtay arrin looga baaqsan karo dagaalka Liibiya, midaasi oo uu sheegay inay aqbaleyso dowlada ay aqoonsantahay Qaramada Midoobay ee Liibiya.

Wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa si cad u sheegay in Dowladda Liibiya ay aqbaleyso xabad joojin uu xal biday, hadii uu dagaal ooge Jeneraal Khalifa Haftar uu ciidamadiisa kala baxayo gobolada dhexe iyo galbeedka dalkaasi.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey in dowladda wada-tashiga qaranka ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Fayez al-Sarraj ay si dhab ah uga go’an tahay inay dib u bilaaban weeraradii ka dhanka ahaa Khalifa Haftar ilaa uu gebi ahaanba ka baxayo Sirte iyo garoon diyaaradeedka Jufra, sida uu u sheegay wargeyska Financial Times ee maalinlaha ah.

Mevlut Cavusoglu ayaa sidoo kale sheegay in dowladda qaranka Liibiya iyo saraakiishooda ay ka go’antahay xabad joojin laga soo jeediyay wada-hadalladii Istanbul ee bishii lasoo dhaafay, haddii uu Haftar aqbalo shuruudooda.

Generaal Haftar oo muddooyinkii u dambeeyay wajahayey guuldarooyin badan ayaa intii dambe weeraradiisa u jiheeyay caasimada Liibiya ee Tripoli iyo qaybo kale oo waqooyi galbeed ee dalkaasi.

Weeraradaasi labada dhinaca ayaa lagu soo waramayaa inay sababeen barakaca boqolaal kun, halka ay ku naf waayeen boqolaal kale oo u badan haween iyo caruur.