Xildhibaano loo diidanaa in ay Muqdisho ka aadaan magaalada Kismaayo oo fursad muhiim ah helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad 10 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ku xayirnaa magaalada Muqdisho ayaa todobaadkaan helay fursad muhiim ah oo ay ku aadi karaan Kismaayo.

Xildhibaanadaan oo isugu jira labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa laga soo doortaa degaanada maamulka Jubaland.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in mas’uuliyiintaan ay ku xayirnaayeen Muqdisho islamarkaana hadda u baxeen Dhuusmareeb, waxayna halkaas ka sii raaci doonaan diyaarad gaar ah uu wato Madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale, wararka aan helnay ayaa sheegaya in xubnahaan ka hor inta aysan ka bixin Muqdisho ay teleefoon kuwada hadleen Madaxweyne Axmed Madoobe kadibna lagu ballamay Dhuusamareeb.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in xubnahaan qaarkood aysan soo laaban doonin ilaa laga xaliyo khilaafka Jubaland iyo dowladda federaalka, haddii la xalin waayo ayey u badan tahay in ay halkaas ku dhameystaan mudada xileedka u harsan kadibna ay ka shaqeyn doonaan sidii ay ku soo laaban lahaayeen.

Wali ma jirto wax is afgarad ah oo laga gaaray khilaafka dowladda iyo maamulka Jubaland kaas oo soo jiitamayay ilaa dhamaadka sanadkii hore, khilaafkaas ayaa saameyn ku yeeshay degaanka iyo siyaasadda guud ee dalka.