Maxaa ka jira in G/Wasiirada ay isku khilaafeen qoraalkii diidmada muddo kororsiga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Feysal Rooble oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed, isla markaana taxliiliya arrimaha siyaasadda dalka, ayaa shaaca ka qaaday in golaha wasiirrada Soomaaliya ay ku kala qeyb-sameen in la shaaciyo go’aanka xukuumadda ee uu ku dhowaaqay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kadib shirkii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirradu ay yeesheen todobaadkii lasoo dhaafay, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in shirka lagu go’aamiyey in doorashada dalka ka dhaceyso ay noqoto mid laga wadatashaday oo la isla ogol yahay, isla markaana waxtigeeda ku dhacda.

Falanqeeye siyaasadeed Feysal Rooble oo la hadlayey TV-ga Universal waxa uu sheegay in wasiirrada la dhacsan siyaasadda madaxweyne Farmaajo aysan dooneyn in la baahiyo khudbadaas uu jeediyey Ra’iisul wasaare Kheyre.

“Waxaa wax laga fahmi karaa doodii ka dhex dhacday wasiirrada, xubnaha wasiirada ee ku xiran madaxweyne Farmaajo aad iyo aad ayey uga doodeen, kuwaas oo weliba magacyadooda la garanayo, waxayna ku adkeysanayeen hadalka Ra’iisul wasaaraha in aan lasoo deyn,” ayuu yiri Aqoonyahan Feysal Rooble.

Sidoo kale waxa uu tiriyey qaar ka mid ah magacyada wasiirrada la safan madaxweynaha ee diidanaa in la baahiyo codka Kheyre, balse waxa uu sheegay in laga cod batay, sidaasna lagu baahiyey hadal jiidintii Ra’iisul wasaaraha.

“Wasiirradii diidanaa in lasoo daayo codkaas waxaa ka mid ahaa Jamaal Xasan, Maxamed Xayir Maareeye, R/wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, iyo xubno kale, laakiin doodii markii laga badiyey qoladii raacsaneyd dhinaca madaxweynaha, waxay noqotay inay raacaan garabka Ra’iisul wasaaraha oo aad muudo in uu kayara fekrad dheeraday dhinaca madaxweynaha,” ayuu yiri mar kale Feysal Rooble.