DF Soomaaliya oo Galmudug u ogolaatay heshiis shidaal & Puntland oo si carro leh uga jawaabtay

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaarada Macdanta iyo Shidaalka Maamulka Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay warqad Sir ah oo la xiriirta heshiis dhexmaray DF Somalia, Maamulka Galmudug iyo shirkad ajanabi ah oo ka shaqeysa baarista shidaalka.

Warqadaani ayaa la sheegay inay ku yaalan saxiixyo dhowr ah oo uu kamid yahay kan wasaarada khuseysa arrimaha Shidaalka ee DF Somalia.

Waxa uu Maamulka Puntland sheegay in DF Somalia ay shirkad ajnabi ah u saxiixday inay shidaal ka baarto dhul ka mid ah Gobolka Mudug oo iyaga ay maamulaan, sida hadalka loo dhigay laakiin ay ka dhigayaan in Galmudug maamusho.

Puntland ayaa qorshahaasi ku sheegay mid ay Madaxtooyada Somalia ku maja-xaabineyso danaha gaarka ah ee Maamulka, waxaana qoraal lagu sheegay in Maamulka uusan aqbali doonin in shidaal laga baari qeybaha iyaga khuseeya xili dhawaan ay DF Somalia Maamulka Puntland ka hor istaagtay qodista shidaal laga helay deegaanada Maamulka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA PUNTLAND KASOO BAXAY

Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Maamulka Puntland waxaa ay heshay, haatan gacanteed ku jira, kuna lifaaqan war saxaafadeedka, heshiiska dhexmaray shirkada Link Natural Resources FZC iyo maamulka Galmudug.

Heshiiskaas oo Dawaladda Federalka Somaliya ay taageero buuxda siisay, wuxuu kasoo horjeeda shuruucda asaasiga ah, Dastuurka kumeel gaarka ee Jamhuriyada Federalka Somaliyeed iyo Dawladnimadda Puntland.

Taageraddaan qaawan ee Dawaladda Federalka Somaliyeed iyo Wasaaradda Macadanta iyo Shidaalka ee Muqdisho u fidisay heshiiskan, waxaa ay markhaati ka tahay, hagardaamda iyo laba wejiileynta Dawaladda Federalka Somaliyeed. Dawaladda FederalkaSomaliyeed waxaa ay si aan qarsoonayn uga hortimaadaa mashaariicda baarista shidaalka iyo macadanta ee Dawladda Puntland waddo. Laakiin waxaa dawaladdu si sharci darro ah heshiisaan waafaqsanayn Dastuurka kumeel gaarka ah ee JamhuriyadaFederalka Somaliya, la gashay shirkada Som Oil and Gas. Haddana waxaa ay si qaawan u taageersantahay heshiiskan meel ka dhaca ku ah xuduudaha Puntland.

Hay’adda Macadanta iyo Shidaalka waxaa ay sitoos ah u wargelisey shirkada Link Natural Resources FZC. Waxaan u sheegay in ay sisharcidaro ah ku haysato dhulka mid ah Dawladda Puntland, dhulkaasoo ay bixisay Galmudug iyo Dawladda Federalka Somaliyeed oo taageersan inxuduuda Maamulka Galmudug yahay xadka u dhexeeya Gobolka Nugaal iyo Mudug, sida ku cad heshiiska.

Hay’adda Macdanta iyo Shidaalku sinama ugama soohorjeedo baarista iyo soo saarista khayraadka saliida ceeriin, gaaska iyo macadanta maamulka Gulmudug. Sidoo kale, Maamulka Puntland waa ay soo dhoweyneysaa shirkadaha raba in ay waddanka soo galaan oo maalgashi ku sameeyaan si loo gafaa’iidaysto khayraadka waddanka. Laakiin waxaan ka soo horjeedna heshiisyada sharci darrada ah iyo xulafaysiga qaawan ee Dawaladda Federalku dabada kariixeyso.

Maamulka Puntland waxaa kago’an in ay sii waddo mashaaricda baarista shidalkaiyo macadanta oo dan u ah Somaliya iyo shacabkeena. Sidoo kale, Maamulka Puntland waxaa ay cadayneysaa in ayan cidna marti uga ahayn horumarinta dhulka Somaliyeed, gaar ahaan Puntland iyada oon cidna u gudbineynin xuquuqdeeda iyo awoodeheeda sharci ee ku qoran Dastuurka kumeel gaarka ah Jumhuriyada Federalka Somaliyeed iyo Dastuurka Dawladda Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com