“Rajada aan ku arkay XAMAR ma wanaagsana ee XASAN Sheekh ha toosiyo siyaasadda guracan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalin ka hor ay DF Somalia sheegtay in dalka Somalia uusan ka dhici karin doorasho nin iyo codkiisa, ayaa waxaa arrintaasi iyo arrimo kale ka hadlay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Prof Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu xiligaani ka deyrinaayo qaabka ay DF Somalia u dhaqangalineyso Siyaasada dalka, waxa uuna tilmaamay in rajo beel uu yahay arrinka taagan.

Waxa uu sheegay in xiligaani dalka uu maraayo Marxalad adag, islamarkaana Dowlada Somalia ay dayaceyso mirro dhalkii laga filaayay in Somalia ay gaarsiiso.

Waxa uu sheegay in dalka ay ka taagan tahay siyaasad uu ku sheegay mid aan jiho lahayn, waxaana uu ka digay in dalka masiirkiisa dambe ay mar kale ka taliyaan siyaasiyiin hadda xilka haya iyo kuwo aan xilba hayn.

Mar uu la hadlaayay mid kamid ah warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho, ayuu yiri “Waxyaabaha socda rajadooda iyo quruxdooda ma wanaagsana, waxa ay u taalla dadka Soomaaliyeed hadii ay ka seexdaan, qolooyinka doonaya in siyaasadda ku loolan tamaan oo kaliya hadii ay gooyaan aayahay qaranka Soomaaliyeed, waxaana is leeyahay ilaahay wax ka sokeeya rajo malahan’’

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri ‘’Hadii dadka Soomaaliyeed ay oran waayaan waxaan waa waxa yagii, dowlad Soomaalinimo oo musuq lahayn, dadka u adeegta ayaan rabnaa hadii ay dadku oran waayaan, markaa waxay muteysteen wixii dul yimaada in ay ka raali noqdaan rajada soo socota ee aan xamar ku arkaya ma wanaagsana’’

Sidoo kale, waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay shirka iminka ka socda Magaalada Muqdisho ee looga arrinsanaayo hanaanka uu ku qabsoomi lahaa doorashada, waxa uuna sheegay in shirkaasi uusan waxba ka bedeli doonin nidaamka ay iminka wadaan Madaxweyne Xassan iyo raga dhabjinaayo Siyaasada dalka.

Isaga oo ka hadlaayay arrinta shirka ka socda Xamar ayuu yiri ‘’Somalia uma baahna shirar lagu qabto luuqyada iyo Hoteelada, muhiimadu waa in dadka laga saara dhibta iyo qaska Siyaasadeed ee lagu hayo, ma qabo in shirka socda uu wax ka bedeli doono xaalada murugeysan ee Somalia ka taagan waadna arki doontaan’’

Rajo beel ayuu ku sheegay xaalada iminka ka taagan dalka waxa uuna Madaxda Qaranka ugu baaqay inay ka xishoodaan dhibaatada ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed, hadii taa la waayo bedelkeeda ayuu sheegay in dib loogu laaban doono dhacdooyinkii 1991 ka dhacay Somalia.

Haddalka Cabdi Ismaaciil ayaa imaanaya xili Magaalada Muqdisho uu ka socdo shir looga arrinsanaayo sida lagu gaari lahaa doorasho xalaal ah oo ka dhacda Somalia, xili DF Somalia lagu eedeeynaayo Musuq-maasuq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com