Dhageyso: Baarlamaanka Soomaaliya oo ka bad-baaday laba qorshe oo INQILAAB culus ku ahaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa INQILAAB ku tilmaamay qorsheyaal la hor keenay Baarlamaanka oo ku saabsanaa mustaqbalka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hiigsiga cusub ee 2016-da, waxayna labada qorshe ee xildhibaanada ka careysiiyay kala ahaayeen:

1. Qorshe lagu magacaabay “Action plan”

2. & Qorshe kale oo lagu magcaaabo “Guiding principles”

Labadan qorshe oo ku lamaansanaa heshiiskii Baarlamaanka kasoo baxay Talaadadii 28-ka July 2015 ayaa isbedel yar la sameeyay oo meesha laga saaray qorsheyaashaasi iyadoo bedelkeed saddex qodob markii dambe la shaaciyay in xukuumadda iyo Baarlaamka ay ku heshiiyeen.

Waxaan idin soo gudbineynaa dood aad u kulul oo Baarlamaanka ka dhacay 28-ka bishan:

Xildhibaan Ridwaan Xersi Maxamed oo ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha ay keeneen guddiga uu madaxda ka yahay Xildhibaan Goodax Barre inuu yahay inqilaab.

“Waxa Goodax noo akhriyay waa Inqilaab la doonayo in dalka laga sameeyo oo xaqiiqo ah, ma dhici karto in koox Baarlamanka ka mida la kaxeyso sharciga keenayo muxuu yahay, ma aqbali karno, dalkan kuma jiro kumeelgaar, khiyaamo ka dhici karto, dalkan waxaa marjic u ah Baarlamaanka….Dhowr bilood ayaa laga shaqeynayay arrintan waxaa la leeyahay… Dalkan doorasho kama dhaceysee koox is urursatay ayaa noqoneysa cidda go’aanka kama danbeysa dalka uu ka go’o ma dhici karto”. XILDHIBAAN RIDWAAN XERSI MAXAMED.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali isna wuxuu doodiisa ku sheegay inuusan tuhumeyn guddoomiyaha Baarlamaanka, balse laga doonayo in arrimaha uga yimaada baarlamaanka dibaddiisa inuu la qeybsado xubnaha kale ee Baarlamaanka.

“Qorshe howleedka waxaa ku qoran “Action plan” la ansixiyay, arrintan waa inqilaab, waa inaan qorshahan oo dhan meesha ka saarnaa, mana aqbali karo” ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble.

Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed oo dood ka dhiibtay labada qorshe ee la keenay Baarlamaanka wuxuu sheegay inay labada qorshe ee la keenay Baarlamaanka ay iska soo horjeedaan. “Qorshahan wuxuu ka soo horjeedaa qodobo dastuuri ah, sida qodobka 99-aad…, wuxuu kaloo ka hor imaanayaa qodobka awoodda madaxweynaha 90-aad iyo qodobo kale, waxaan qabaa inaysan waqti badan naga qaadan ee arrintan lagu daro qodobada dastuurka lana ansixiyo.

Haddaba hoos ka dhageyso dooda kulul ee xildhibaannada iyo guddoomiyaha Baarlamanka dhex martay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com