DF oo jawaab kulul ka bixisay hanjabaaddii Cali Dheere

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaalya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ka hadlayay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul ugu jawaabay Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Wasiirka ayaa si weyn uga horyimid hanjabaadda uu Cali Dheere u diray ganacsatada Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay inuu yahay nin iska hadlay.

Jibriil Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in Cali Dheere aan waxba laga weydiineynin ilaalinta hantida Ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in cidda laga ilaalinaayo hantida shacabka ay tahay kooxda Al-Shabaab, oo uu ku eedeeyey inay baad ka qaado ganacsatada iyo shacabka.

“Ninka Cali Dheere la yiraa ee ku hadla Afka Khawaarijta, waxa aan u sheegayaa in aan waxba laga waydiinayn ilaalinta hantida umadda Soomaaliyeed oo cidda laga ilaalinayaa ay tahay isaga oo ah khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu boggaadin u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed ee dhaqan-geliyay amrka kasoo baxaa dowladda ee ku aadanaa in aysan la macaamilin Al-Shabaab, ayna iska diidaan farriimaha uga imaanayaa dhanka kooxda.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed ay sii wadeyso dadaalkeeda, isla-markaana ay ka go’an tahay in la cuuryaamiyo Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa daba socda muuqaal uu dhowaan iska soo duubay Cali Dheer oo si adag uga hadlay dagaalka dhaqaale ee ay kala kulmeen dowladda federaalka, isaga oo dhanka kale bangiyada iyo shirkada waaweyn uga digay inay bixiyaan xogta dadka ay hantida u hayaan.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa muuqata in looga adkaaday dhanka milatari iyo dhaqaalaha, maadaama dhul badan laga qabsaday, sidoo kalena laga xiray akoono ay lacago ugu jireen.