Diyaarado DRONE ah oo weeraray xarun ay leedahay wasaaradda difaaca IRAN

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa Axaddii sheegtay in weerar loo adeegsaday diyaarad drone ah lala beegsaday xarun ay leedahay wasaaradda difaaca, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda ka taagan barnaamijka Nukiliyeerka.

Nidaamka lidka diyaaradaha ayaa burburiyey hal drone, halka laba kale ay qarxeen, ayey tiri wasaaradda difaaca, waxayna intaas ku dartay in wax khasaare ah uusan ka dhalan weerarka oo ka dhacay gobolka bartamaha ku yaalla ee Isfahan.

Holac xooggan ayaa hawada qabsaday sida ay ay muujiyeen muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada, iyo warbaahinta dowladda, ayada oo la arkyey dad kala cararaya iyo gawaarida gurmadka deg degga ah. 

“Weerar aan guuleysan ayaa lagu soo qaaday dhisme ay leedahay wasaaradda difaaca,” ayey tiri wasaaradda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee IRNA.

Mas’uuliyiinta ma aysan sharxin dhaq-dhaqaaqyada ka socday goobta, hase yeeshee IRNA ayaa sheegtay in weerarka uu beegsaday “warshad soo saarta rasaasta.”

Mohammad-Hassan Assafari, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Iran, ayaa wakaaladda wararka Mehr u sheegay in “cadowga iyo mucaaradka” Iran ay doonayeen inay weerar “ku arbushaan awoodda difaaca,” Iran.

Weerarka drone-ka ayaa imanaya xilli xaalad kacsan ay ka jirto Iran, oo ay ruxeen dibadbaxyo ka dhashay gabar Kurdish-Iranian ah Mahsa Amni, oo bishii September ku dhimatay gacanta booliska, iyo is-mari waaga ka taagan barnaamijkeeda Nukliyeerka oo aan xal laga gaarin.

Iran ayaa sidoo kale waxay dalalka Reer Galbeedka kala kulantay eedeyn ah inay diyaarado drone ah oo hubeysan u qeybineyso Ruushka si uu ugu isticmaalo dagaalka Ukraine, eedeyntaas oo Tehran ay beenisay.

Iran ayaa sanado badan waxay dagaal dadban kula jirtaa Israel, oo lagu eedeeyey weeraro curyaamin ah iyo dilal qorsheysay oo lala beegsaday barnaamijka Nukliyeerka Iran.

Iran ayaa waxay gobolka Isfahan ee weerarka uu ka dhacay ku leedahay xarumo dhowr ah oo lagu sameeyo daraasaadka Nukliyeerka oo ay ku jirto xarun lagu beddelo uranium-ka.