Mareykanka oo shaaciyay in ciidamada Eritrea aysan weli ka bixin gobolka Tigray

Nairobi (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa markii u horeysay shaaciyay in ciidamada Eritrea ay weli ku sugan yihiin Itoobiya, inkasta oo ay dib uga laabteen xuduudda.

Arrintan ayaa waxay beenineysa hadalkii mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ee ahaa in ciidanka Eritrea ay mar hore ka baxeen dhulka Itoobiya.

Ciidamada Eritrea ayaa ka barbar dagaallamayey ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad isbaheysi ah oo labadii sano ee lasoo dhaafay dagaal ku dhex maray dowladda Itoobiya iyo xoogagga goolka Tigreega ee TPLF.

Bishii November, si kastaba ha ahaatee, dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigrayga ayaa kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo colaadda, waxaana heshiiskaasi uu amrayay in dhammaan ciidamada shisheeye laga saaro gobolka Tigray.

“Arrinta Eritrea, waxaan fahamsanahay inay ku noqdeen xuduudda, lagana codsaday inay ka baxaan,” ayay danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ku sheegtay shir jaraa’id mar ay booqasho ku joogtay caasimadda Kenya ee Nairobi.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo Sabtidii warbixin siinayay saraakiisha ajnabiga ah ayaa beeniyay in ay jiraan ciidamo ka socda Eritrea oo ku sugan Itoobiya.

“Ma jiro ciidan kale oo ka hawlgala gobolka Tigray marka laga reebo ciidamada difaaca Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.,” ayuu yiri Major General Teshome Gemechu.

Afhayeenka ciidamada Tigreega Getachew Reda ayaa isna meesha ka saaray sheegashada dowladda Itoobiya ee ah in ciidamada Eritrea ay ka baxeen Tigray, wuxuuna sheegay in “kumannaan” ka mid ah ay weli halkaas ku sugan yihiin.