Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay MASJID ku yaalla Peshawar oo lagu dilay 34 qof

Peshawar (Caasimada Online) – Qarax xooggan oo Isniinta maanta ah ka dhacay Masjid ay dad badan ku tukanayeen oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee dalka Pakistan, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 34 qof, iyadoo dad ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarka oo dhacay casirkii ayaa la sheegay in qof is-miidaamiye ahaa uu isku qarxiyay masaajidka oo ku yaalla bartamaha magaalada Peshawar ee caasimadda gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

Sarkaal sare oo dhinaca amniga ah, ku-xigeenka taliyaha booliiska Shaficullah Khan ayaa TV-ga dowladda u xaqiijiyay tirada dadka ku dhintay weerarka iyadoo laga cabsi qabo in tiradu ay intaa ka badato.

Wakaaladda wararka ay Reuters oo soo xiganeysay sarkaal ka tisan dowladda ayaa warisay in ugu yaraan 34 qof ay dhinteen, 150 kalana ay ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay magaalada Peshawar ee waqooyi-galbeed Pakistan. Inta badan dadka wax ku noqday qaraxa ayuu sheegay in ay ahaayeen askar ka tirsan booliska.

Isbitaallada magaalada ayaa xaqiijiyay inay heleen toboneeyo qof oo ku dhaawacmay weerarka, iyagoo xaaladda qaar ka mid ah dhaawacyada ku sheegay mid halis ah.

Dadka ka badbaaday iyo shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in saqafkii dhismaha masjidka uu ku burburay xoogga qaraxa goobta lala beegsaday.

 

Masaajidka ayaa waxaa ku tukan jiray saraakiisha amniga iyo kuwa dowladda, waxaana dadka dhintay badankood ay yihiin ciidamada.

Madaxa ciidamada booliiska ee magaalada Peshawar Ijaz Khan ayaa sheegay in masjidku uu ku dhex yaalay aag ay ku dhex taallo xarunta dhexe ee ciidamada booliska gobolka iyo waaxda la dagaalanka argagixisada.

Sikandar Khan oo ah sarkaal booliis ah ayaa isna sheegay in dhismaha masjidku uu ku yaallo aag si weyn loo ilaaliyo. Waxa uu sheegay in ugu yaraan 260 qof ay ku sugnaayeen gudaha masjidka marka uu weerarku dhacay.

“Qeyb ka mid ah dhismaha masjidka ayaa burburay, waxaana la aaminsan yahay in dadka qaar ay burburka ku hoos jiraan” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaare Shahbaz Sharif ayaa canbaareeyey weerarka ismiidaaminta ah ee lala beegsaday masaajidka magaalada Peshawar, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay magaalada caasimadda ah ee Islamabad. 

Ma jirto koox wali sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sababay dhimashada badan.

Gobolkan Pakistan ee ku yaalla xuduudda Afghanistan ayaa bilihii u danbeeyey waxa uu la kulmayay weerarro argagixiso oo isdaba jog ah.

Inta badan weeraradii hore ayaa waxaa sheegatay kooxda la mamnuucay ee Tehrik-i-Taliban Pakistan, oo loo garan og yahay Taalibaanta Pakistan.

VOA, REUTERS