Sawirro: Wasiirka difaaca Jabuuti oo yimid Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Jabuuti, Xasan Maxamed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kasoo gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa wafdigan ku soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubto ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, kuwaas oo qayb ka ahaa soo dhaweynta loo sameeyay.

Intaas kadib labada mas’uul ayaa kulan hordhac ah ku yeeshay qaybta nasiinada ee garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay isaga xog wareysteen xaaladihii u dambeeyay.

Wasiir Xasan Maxamed Cumar ayaa booqashadiisa waxa ay la xiriirtaa ka qayb-galka shirweyne ka dhacaya caasimada, kaas oo ay ka qayb-galayaan waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, waxaana looga hadlayaa amniga iyo dagaalka Shabaab.

Sidoo kale wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madaxda ugu sarreysa ee dalka, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo uu kala hadli doono dagaalka Al-Shabaab.

Booqashadan ayaa sidoo kale daba socoto safarkii uu dhowaan magaalada Muqdisho kusoo gaaray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo maalmo ku sugnaa gudaha caasimada, kadibna waxay labada dal is dhaafsanayeen booqashooyinka madaxda labada dowladood.

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ku jirtaa howlgalka ATMIS, ayadoo ciidamadeeda ay joogaan Hiiraan.

Si kastaba, xiriirka ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo ah laba dal oo walaalo ah, misana daris ah ayaa cirka isku shareeray kadib dib u doorahadii Xasan Sheekh.