Sidee dowlada ka yeeleysaa malaayiinta dollar ee laga xayiray kooxda Al-Shabaab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaal toos ah oo cirka iyo dhulka ah ku qaaday Khawaarijta Al-Shabaab oo sanado badan aan la kulmin iska caabin sidaan u abaabulan. 

Dagaalka ayaa horseeday guulo waa weyn, sida in lagala wareegay magaalooyin badan iyo degmooyin ay ka talinayeen 15 sano. 

Waxaa sidoo kale dagaalka lagu qaaday Shabaab qeyb ka ah in lagala dagaalamay dhanka maaliyadda, islamarkaana la xayiray 250 akoon oo ay ku leeyihiin bankiyo ku yaalla Soomaaliya, kuwaaa oo dadka ganacsatada xoolahooda inta si sharci darro ah ugu qaadaan kadibna ay ku gumaadi jireen. 

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in lasoo bandhigi doono malaayiin dollar oo Al-Shabaab ugu xaraysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay. 

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay arrintaan inay qeyb ka tahay dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab oo uu sheegay inuu yahay mid ficil ah.

“Dowladdu mar dhow way soo bandhigi doontaa xisaabaad badan oo Al-Shabaab Banliyada loogu ururin jiray kuwaas oo la xiray. Taleefoono badan oo lacagaha la isugu xawili jirayna waa la xiray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuuud mar uu shacabka kula hadlayay Garoonka Eng Yariisow.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa isna sheegay in hadda wadashaqeyn fiican ay kala dhaxeyso ganacsatada iyo dowladda, islamarkaana lala socdo oo ganacsatada ay soo gudbiyaan Bankiyada Al-Shabaab ay ku amraan in lacagta la dhigo iyo akoonada ay leeyihiiin Khawaarijta.

Waxa uu Ra’isul Wasaaraha sheegay in ganacsatada loo celin doono lacagtooda, gaar ahaan kuwa soo sheegaya marka ay A-Shabaab soo wacaan islamarkaana lagu amro in akoon ay ku shubaan. 

“Lacagaha la xiray waa la baarayaa, Taleefoono ayaa loo qeybiyay shacabka Soomaaliyeed, markey Shabaab soo wacaan waxey ku leeyihiin lacagtaas dir meeshaas dhig, dowladda ayuu qofka soo wacayaa wuxuu leeyahay sidaas ayaa la yiri meeshaas ayaana dhigayaa akoonkaas ayaan ku shubayaa, sababtoo ah dadkii hadda dowladda waa aamineyn waxaana la leeyahay meesha dhig lacagtaadana waa laguu soo celinaa, sidaas ayaana  lagu xiraa akoonada Khawaarijta” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamse

Ra’iisul Wasaaraha, oo ka hadlaya sida lacagahaas laga yeeli doono, ayaa sheegay in la baari doono lacagaha iyadoo dadkii usoo sheegay dowladdana lacagahooda lasiin doono, waxaana uu xusay in lacagaha kalena ilaa amar dambe iney meeshooda ku jiri doonaan. 

Al-Shabaab ayey u muuqatay inay si weyn u saameeysay xayiraadda dowladdu ku sameysay dhaqaalaha u yaala bankiyada, waxaana afayeenkooda uu eedeyn u jeediyay bankiyada in aysan ilaalin karin lacagaha ammaanada ku ah, taas oo u muuqata cabsi gelin iyo iska hor keenid shacabka iyo Bankiyada dalka ah.

W/Q: Ahmed Abdirisaq
Loyalyare12@gmail.com
Geneva- Switzerland