Xog: Kursigii uu baneeyay Mahad Salaad oo doorasho la’aan lagu kala baxayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Kursigii uu baneeyay Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa la filayaa in doorashadiisu dhacdo 1-da bisha Febraayo, taasi oo ka qabsoomi doonto Dhuusamareeb, sida uu dhawaan shaaciyay guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka banaan BF.

Kursigan oo tirsiigu yahay HOP#147 ayaa waxa loo xirayaa musharax uu wato Mahad Salaad, oo lagu magacaaba Ilyaas Sheekh Axmed, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Musharax Ilyaas ayaa waxa uu hore u ahaa madaxii hay’adda NRC ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Musharaxan ayaa la sheegaya in uu taageero buuxda uu ka haysto jufada kursiga leh iyo xildhibaankii hore u baneeyay Mahad Maxamed Salaad.

Doorashada kursigaan ee loo balansan yahay 1-da Febraayo ayaa ah mid nidaam ahaan uun loo marayo, mar haddii lasii og-yahay natiijadeeda iyo musharaxa kusoo baxaya.

Ilyaas oo saaxiib dhow la ah agaasimaha NISA Mahad Salaad horana ula soo shaqeeyay ayaa waxaa la filayaa inuu kursigan tartan la’aan ku qaato.

Kursigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay doorashadiisa qabtaan guddiga KMG ah ee ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay si loo buuxiyo kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Tan iyo markii la magacaabay guddigan ayaa waxaa soo baxayay eedeymo la xiriira in uu yahay mid dhinac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu xasuusta in muddadii uu banaanka ka joogay Villa Somalia aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood, haddii ay arrintaan dhacdana waxay muujin doontaa kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweynaha.