Diyaarad Ruushku leeyahay ‘oo lagu weeraray’ garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad Helicopter ah oo Ruushka uu leeyahay ayaa lagu weeraray garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaa sidaas sheegtay safaaradda Ruushka ee Jabuuti, oo sidoo kale qaabilsan Soomaaliya.

Weerarkan ayaa dhacay 23-kii Janaayo, sida ay sheegtay fasaaradda, balse waxaa shaaca laga qaaday kaliya Axaddii.

Diyaaraddan ayaa waxaa leh shirkadda UTair ee Ruushka, waxayna ka qeyb-qaadaneysay howlgalka bani’aadannimo ee QM ay ka waddo Soomaaliya, sida ay sheegtay safaaradda Axaddii.

“Diyaarad Helicopter oo laga leeyahay Ruushka oo ka qeybqaadaneysay taageeridda gaadiidka cirka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu duqeeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, diyaaradda ayaa waxaa soo gaaray burbur aan badneyn,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda

“Ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay shilkan, duuliyayaasha Ruushkuna waxay si caadi ah u sii wateen shaqadooda,” ayay tiri safaaradda. 

Safaaradda ayaa intaas ku dartay in kooxda Al-Shabaab ay ka dambeysay weerarka, islamarkaana iminka uu socdo baaritaan ku aadan dhacdadan. Kooxda Al-Shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin weerarka. 

Ma jirto dhacdo ama weerar la ogyahay oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho 23-kii Janaayo, inkasta oo suurta-gal ay tahay in dowladda federaalka ay qarisay. 

Si kastaba, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weerar hoobiye oo 24-kii Janaayo ay Al-Shabaab ku qaady xaafado ku dhow madaxtooyada qaranka.  

Sidoo kale, 22-kii Janaayo, oo ah maalin kahor maalinta ay safaaradda sheegtay, Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xarunta gobolka Banaadir.