Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xukuumadiisa cadaadis ku saaaray inay shaqeyso waqtiga rasmiga ah ee dastuurka ku qoran, waxaana dhammaan shaqadalaha dowladaha lagu amray inay shaqada soo galaan 8:00Am ilaa 04:00.
Xukuumadihii hore shaqaalaha dowladda waxay shaqeyn jireen saacado yar iyadoo intooda badan aysanba imaan jirin shaqada.
Tan iyo markii la dhisay xukuumadda cusub waxaa la ogaaday inay jiraan shaqaale badan oo ka tirsan dowladda kuwaas oo aan soo xidirin shaqadooda.
Haddaba Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa in hadda ay qorsheynayso in shaqooyinkooda ay ka eriso shaqaalihii ugu badnaa ebed, kadib markii la sheegay iney noqdeen kuwo aan shaqeysan.
Sida wararka hoose sheegayaan dowladda ayaa shaqada ka burineyso 985 ruux, kuwaasi oo lagu soo eedeeyay inay gudan waayeen shaqadooda.
Xafiisyada dowladda waxaa labadii bil ee ugu dambeysay ka socotay qiimeyn lagu sameynayo shaqaalaha, hase ahaatee waxaa soo baxay shaqaale badan oo aanba dalka joogin misane mushaarkooda qaata, kuwo aan shaqada imaan oo hadane lacagtooda iska qaato iyo kuwo kale.
Waxaa hadda la diyaariyey dhammaan magacayada shaqaalaha laga eryi doono shaqada, iyadoo booska shaqaalahanna kuwo cusub loo qaadan doono sida qorshaha yahay.
Tiradaan waxay noqon doontaa middii ugu badneyd oo laga ceyriyo shaqada dowladda inta la xasuusto, wuxuuna Kheyre bilaabay isla xisaabtan dhab ah oo ku saleysan inay shaqaalaha dowladda waqtiga dastuurka qorayo shaqeeyaan.

