Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka & xiriirka labada dal oo..

Muqdisho (Caasimadda Online)- Dowladda Soomaaliya ayaa hoos u dhigtay xiisadda diblomaasiyadeed ee kala dhaxeysa dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo muujisay inay diayar u tahay wadashaqeyn iyo xiriir fiican oo dhex mara labada dal.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa looga hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Somalia iyo Imaaraadka, sida dhaqaalaha iyo siyaasadda oo soo jiray qarniyo, iyadoo madaxda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii xoojiyaan xiriirkaasi.

Kaddib markii 8dii Bishan April dowladda Federaalka ah ay Magaalada Muqdisho ku qabatay diyaarad sidday Lacag dhan $9.6Milyan oo doollarka Mareykanka waxaa cirka isku shareeray xiriirka labada dowladood.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in xiriirka labada dal caadi lagu soo celiyo islamarkaana waxaa dowladda Imaaraadka looga mahad celiyay kaalinta ay ka qaadatay la dagaallanka argagixisada iyo dadaallada kale ee ay ka waddo dib u dhiska dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo lagu sheegay in ismaan dhaafka labada dowladood yahay mid laga gudbi karo iyada oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in labada dowladood ay wadaagaan xiriir Taariikhi ah,mid dhaqaale,Amaan iyo xiriirro kale oo badan.

Waxaa kale oo lagu xusay in dowladda  Soomaaliya ay sameyneyso horumar dhinaca dowladnimada ah,iyada oo dib u dhiska Hay’adaha dowladda ka shaqeyneysana ay diyaar u tahay in ay dowladda Imaaraadka sii waddo dadaallada taageeridda dowladnimada Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Madaxbanaanida iyo sharafta Soomaaliya ay muhiim u tahay dowladda Soomaaliya,waxaana ay dowladda Soomaaliya sii jeediysay in laga gudbo wixii is faham waa ah ee dhawaan soo kala dhexgalay labada dowladood.

Ugu dambeyntii War-saxaafadeedka ayaa loogu mahad celiyay beesha Caalamka dadaalka ay ugu jirto dib u soo celinta dowladnimada,amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com