Burbur xoogan oo Soo Gaaray qaar kamid ah Waddooyinka ay isticmaalaan shacabka Muqdisho.

Muqdisho-(Caasimadda Online)-intabadan wadooyinka magaaladda muqdisho waxaa fariista biyo xiliyada uu da o roobka kuwaas oo saamayn kuyeesha isku socodka gaadiidka iyo dadwynaha isaga galagoosha magaalada dhexdeeda.

biyahaan fariista wadooyinka iyo laamiyada magaaladda muqdisho ayaa intabadan waxa ay sababaan cudurro mana jirto cid isku xilsaarto in ay wax kaqabtaan biyo fariisamahaan.

Sidoo kale waxa ay sababaan burbur soo gaara waddooyin muhiim u ahaa dadweynaha magaalada Muqdisho iyadoo meelaha qaar ay ka qodmeen bohollo aanay sahlanayn in ay isticmaalaan gawaarida dadweynaha .

intabada shacabka ayaa magaaladda ayaa ku doodaya in markii wadooyinka ladhisayay aan loosameyn biyo mareenno.

Muqdisho oo ah caasimadda dalka ayaan weli helin adeegyadii bulshada ee loo baahnaa in kastoo  dib usoo kabasho ay jirto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com