Ciidamo Boobay xaruntii tababarka Imaaraadka ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalad qas ah iyo boob uu ka dhacay xero ay Imaaraadka Carabta ku tababarri jireen ciidamada Soomaaliya, magaalada Muqdisho.

Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa Xarunta Tababarka Ciidamada Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay Boobeen agabkii looga tegay Xarunta, kadib markii ay ka baxeen Saraakiishii Imaaraadka ee halkaasi ku sugnaa, sida ay soo werisay mid ka mida Idaacaddaha Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadani ay qaateen Agab, qalabka lagu tababarto iyo Gaadiid ay lahaayeen Ciidamada Imaaraadka, waxaana dadka degaanka u dhow xeradaasi ay sheegeen in ciidamada ay isku qabsadeen agabkaasi.

Saraakiishii ciidamada Imaaraadka ayaa saakay ka baxay Muqdisho waxayna qaateen Konteenaro iyo qalab ay u baahnaayeen, waxaana la sheegay inay ciidamada u sheegeen inay kala tagaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isku dhacyo uu dhaxmaray Ciidamadii xarunta ku sugnaa kuwaas oo ku dagaalamay agabkii ay qaateen.

Imaaraadka ayaa saakay ka baxay Muqdisho waxayna qaateen Konteenaro iyo agabyo kale kadib markii uu xumaaday xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya.

Tallaabada ay uga baxeyn Saraakiisha Imaaradka eek u sugnaa Muqdisho ayaa ku soo aadeysa xili sidoo kale dhawan ka baxeyn Xero ay ku tababarayeen Ciidamada Badda Puntland oo ku taalla Boosaaso wallow Madaxweyne Cabduweli Gaas uu Maanta beeniyey.

Dowladda Soomaaliya ayaa War-Saxaafadeed ay manta soo saartay waxa ay ku beenisay in uu xumaaday xiriirkii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Imaaraadk,iyada oo sheegtay in uu bilaawday wadahadal u dhaxeeya labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com