Sawirro: Dowlada Imaaraadka Carabta oo albaabada isugu dhufatay Isbitaalkii ay ku laheyd Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow ay baahiyeen Wargeysyada kasoo baxa dalka Imaaraadka ayaa waxaa lagu sheegay in albaabada leysugu dhuftay Isbitaalka Sheikh Zayed ee magaalada Muqdisho.

Wargeysyada ayaa qoray in Isbitaalka ‘’Sheikh Zayed’’ uu sii xirnaan doono ilaa iyo amar danbe, kadib markii amarkaasi uu kasoo baxay Madaxda ugu sareysay dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta.

Qoraal uu baahiyay wargeyska Al-ceyn ee kasoo baxa dalka Imaaraadka ayaa lagu qoray in dowladu ay go’aan ku gaartay in la xiro Isbitaalka.

Isbitaalka ‘’Sheikh Zayed’’ oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa waxaa maamusha dowlada Imaaraadka, waxaana ka howlgala dhakhaatiir u dhashay dalkaas.

Dowlada Imaaraadka ayaa shalay ku dhawaaqday inay hakisay dhammaan tababaradii ay siin jireen ciidamada Somalia, ee xarumaha ugu badan ku leh magaalada Muqdisho iyo deegaanada Puntland.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili uu cirka isku sii shareeyay khilaafka ka dhexeeya dowladaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta.

Dhawaan ayey aheyd markii ay dowlada Somalia dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Jaamacada Carabta.

Natiijada sawirka Sheikh Zaid Hospital in Mogadishu

Natiijada sawirka Sheikh Zaid Hospital in Mogadishu

Natiijada sawirka Sheikh Zaid Hospital in Mogadishu

Natiijada sawirka Sheikh Zaid Hospital in Mogadishu

Natiijada sawirka Sheikh Zaid Hospital in Mogadishu

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com