Xildhibaan kashifay dhibta ay Beesha Caalamka ku hayaan Somalia (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa aad u dhaliilay habdhaqanka saaxiibada caalamka.

Xildhibaan Dalxa, ayaa sheegay in saaxiibada caalamka aysan diyaar u aheyn Somalia oo ka hanaqaada halka ay iminta taagan tahay, waxa uuna carab dhabay inay ka caga jiidayaan wax waliba oo horumar u noqon kara Somalia.

Waxa uu Xildhibaan Dalxa tusaale usoo qaatay kaalmada ay saaxiibada caalamka siiyaan Somalia, taa oo loo maro dhibaato farabadan, halka mararka qaar aanba la helin kaalmadaasi.

Waxa uu tilmaamay in dhibka ugu weyn ay tahay in beesha caalamka aanay jeclayn iney la shaqeeyaan hay’adaha dowladda, balse ay daneeyan iney la shaqeeyaan shaqsiyaad, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Nuqul kamid ah haddalka Dalxa ayaa ahaa ‘’Dhibka ugu badan ee na heystaa waa saaxiibada caalamka oo na kala dileysa, inay la shaqeeyan Hay’adaha dowlada waxa ay ka jecel yihiin inay la shaqeeyan shaqsiyaad’’

‘’Dagaalka ugu badan ee lagula jiro Horumarkeena ayaa ah in dhaqalaha ku dhici lahaa dowlada ay saaxiibada caalamka ku bixiyaan shaqsiyaad iyaga si hoose ula shaqeeya’

Sidoo kale, Xildhibaan Dalxa ayaa ku taliyey in beesha caalamka ay kusoo noqoto wadadii saxda ahayd oo ay hay’adaha dowladda kala shaqeeyaan horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Haddalka Dalxa ayaa kusoo beegmaaya xili ay sii kordhayaan xubnaha mucaaradka ku ah dowlada ee sida dhow ula shaqeeya beesha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com