Dowladda UK oo war kasoo saartay lacagta Shabaab ay ka qaadaan ganacsatada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa walaac xoogan ka muujisay canshuuraha xad dhaafka ah ee kooxda Al-Shabaab ay ka qaado ganacsatada Muqdisho iyo guud ahaan kuwa Soomaaliya kaasi oo ay u adeegsato falalka argagixiso ee gudaha dalka.

Ergayga UK ee Qaramada Midoobay, Jonathan Allen ayaa sheegay in halis badan ay ka muuqato warbixinta guddiga amniga ee QM ka diyaariyeen Soomaaliya, gaar ahaan qaabka dakhliga ku hesho Shabaab, kaasi oo farta ku fiiqaya awooda kooxda.

Jonathan ayaa xusay in arrintaasi ay qeyb ka tahay caqabadaha culus ee weli ka jira Soomaaliya, inkasta oo ay jiraan horumar laga sameeyay dhinacyo badan, wuxuuna yiri “Waxaan u baahanahay in aan taageerno Soomaaliya oo aan si wada-jir ah uga shaqeyno la dirirka Al-Shabaab”

Warbixinta QM ee dhawaan lagu soo bandhigay shir uu yeeshay golaha amaanka, ayaa daaha ka rogeysay in Shabaab ay 21-milyan ka hesho sanadkii canshuuro ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsatada magaalooyinka.

Waa arrin halisteeda leh in Shabaab ay canshuur ka qaado ilaha dhaqaalaha ee dalka, taasi oo la rumeysan yahay inay horseed u tahay amni darada ka jirta caasimada iyo gudaha Soomaaliya.

Ma jirto jawaab rasmi ah oo ay dowladda ka bixisay warbixinta QM ku soo bandhigayso dhaqaalaha ay kooxdaasi ka aruuriso dekeddda iyo ilaha dhaqaale ee dalka, marka laga reebo inay hore u sheegtay inay isha ku hayso arrintaasi, inkasta oo ay muuqato inay ku guul-dareysatay wax ka qabashadeeda.