Dowladda Ukraine oo war culus ka soo saartay afar qof oo Shabaab u gacan galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ukraine ayaa qiratay in afar qof oo muwaasiniin u dhashay dalkaas ay u gacan galeen kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, dadkaas ayaa la xaqiijiyey in weli ay nool yihiin.

4-ta qof ee Ukraine u dhashay waxay ka mid ahaayeen lix qof Shabaab u gacan gashay kadib markii diyaarad ay saaraayeen ay ku degtay deegaan lagu magacaabo Xiindheere oo ay maamulaan ururka Al-Shabaab.

War kooban oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Ukraine ayaa lagu sheegay in la xaqiijiyey in muwaadiniinyoodii ay ku dhaceen gacanta Al-Shabaab.

“Muwaadiniinteenu waxay kamid ahaayeen shaqaalaha diyaarad u hawlgalaysay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Jinsiyadooda waa la xaqiijiyay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Ukraine.

Diyaaradda oo u shaqayneysay Qaramada Midoobay, ayna saarnaayeen sagaal qof ayaa hawlgal caafimaad oo ay dhaawac uga soo daabuleyso furimaha dagaalka ee Galmudug ugu socotay magaalada Wisil.

Diyaaradaas oo cilad farsamo ay ku timid ku hoobatay meel u dhaw deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud, durbadiiba Al-Shabaab ayaa soo gaaray goobta.

Afarta qof ee Ukraine u dhalatay iyo labo Kenyaan ah ayaa la xaqiijiyey inay Shabaab afduubteen, waxay goobta ku dileen dhakhtar Masaari ah.

Wiil Soomaali ah oo sarkaal ah iyo gabar kalkaaliso caafimaad ah oo u dhalatay Uganda ayaa ka baxsaday goobta, laakiin weli lama arag meel ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana loo badinayaa inay Shabaab u gacan galeen.

Afhayeenka u hadlay Ukraine ayaa sheegay in diyaaradda ay lahayd shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraas ka haysata Qaramada Midoobaay, Al-shabaab ayaa goobta ku hubay diyaaradii.

Arbacadii lasoo dhaafay ayuu dhacay shilkaas, welina xog lagama helin halka ay Al-Shabaab ku hayaan dadkii ajaanibta ahaa ee u gacan galay, sidoo kale weli lama oga inay gacanta ku dhigeen wiil iyo gabadhii ka soo baxsaday goobta markii ay degtay diyaaraddu.