Dr. C/raxmaan Baadiyow oo Muqdisho tagay, kana hadlay arrimo badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo isku soo toogay xilka madaxweynaha sannadkii hore, balse looga guuleestay ayaa maanta oo Khamiis ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Baadiyow , wuxuu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dowladda Soomaaliya wax yaabaha u qabsoomay muddada sannadka ah, wax yaabaha uu ku arkay Muqdisho iyo waddamo dhowr ah oo uu soo maray.

Baadiyow ayaa la hadlay Idaacadda Goobjoog oo ka mid ah idaacadaha sida gaarka loo lee yahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Muxuu ka yiri wax yaabaha uu ku arkay Muqdisho tan iyo markii uu ka amababaxay sannad ka hor?

Dr. Baadiyow ayaa sheegay in magaalada Muqdisho markii uu yimid uu ku arkay waddada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo KM4 dhagxaan la dhigay waddada.

Wuxuu kaloo sheegay dad badan oo uu la hadlay in ay u sheegeen in xaaladda ammaanka ay ka hoos martay siddii ay ahayd dowladii Shariif Sheekh Axmed.

“Ruux kasta oo aan la kulmo wuxuu ka niyad jabsan yahay ammaanka oo sii xumaanaya, halkii laga rabay in uu isbadalo maadama dalka ay ka dhisan tahay dowlad rasmi ah, wadooyinka dhan waxaa la dhigay (Road Block) oo fara badan, Ammaanka wuxuu ku soo koobmay waddada Markah Al-Mukaramah”ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Wuu sii hadlay

“Waxaan kaloo arkay shacab dedaalaya oo aan kala jecleen ammaan xumida ka jirta dalkam kuwaasoo go’aansaday in ay ganacsiyo ka sameeyaan magaalada kuna soo laabtaan, maadama dowladda ay ka gaabisay arrimaah ammaanka” ayuu markale yiri Dr. Baadiyow.

Dr. Baadiyow wuxuu ka hadlay shirka ka socda Muqdisho

Wuxuu sheegay in shirka dowladda ay ku qabaneyso Muqdisho looga baahan yahay dadka ka qaybgalaya in ay ka hadlaan sida dowladda ay wax uga baran lahayd guuldarooyinka soo food saaray muddada sannadka ah ee ay jirtay dowladda, waana in la sheegaa wax yaabaha sabab u ah in ammaanka uu faraha ka baxo” ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Waxaa la weydiiyay wax yaabaha uu qaban lahaa haddii la dooran lahaa?

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa tilmaamay haddii la dooran lahaa in arrimaha ammaanka dalka ay wax badan iska badali lahaayeen oo sidan aysan wax noqon lahayn maadama uu yahay nin khabiir ku ah arrimaha ciidamada.

Wuxuu sheegay in dowladda looga baahnaa in ay tayeeso ciidamada ama isbadal lagu sameeyo dadka hadda hoggaanka u haya maadama ay wax badan ku fashilmeen.

Rajada dowladda muxuu ka sheegay?

Dr. Baadiyow ayaa sheegay in dowladda haddii aysan wax ka badalin oo aysan wax ka baran guul darooyinka soo gaaray muddada sannadka in ay fashilmi doonto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com