Xog: Dr. Culusow oo ka mid ah siyaasiyiinta u taagan xilka R/wasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ku dhowaad 15-qof ayaa u ordeysa xilka Ra’iisul wasaaraha Somalia kuwaas oo dhamaan ku aftirsada beesha Hawiye, Madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa heysta mudo cayiman oo uu kusoo magacaabayo wasiirka koowaad.

Hadal heynta xilka Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa noqotay waxa ugu badan ee xiligaan la joogo lagu gorfeeyo miisaska siyaasada Somalia.

Dr. Maxamud Maxamed Culusow ayaa noqday mid ka mid dadka isku soo taagay  booskan waxaana dadka siyaasada ka faalooda ay aaminsanyihiin inuu yahay midka ugu mudan musharaxiinta raadineysa jagadaan ilaa hada.

Culusoow oo ka mid ahaa musharaxiintii u taagneyd xilka madaxtinimada Somalia 2017 ayaa la aaminsanyahay inuu kalsooni badan ku qabo in xilkaan loo magacabo madaama uu yahay qofka ugu waaya aragsan dadka raadinaya kursigaan.

69 jirkaan ku dhashay gobalka Hiiraan ayaa lagu tiraya nin wax badan ka yaqaana hufnaanta Dowladnimada iyo maamul wanaaga waxaana taas oo loo daliilsada inuu soo noqday  Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Dowladii dhexe, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somalia, Xiriiriyaha Barnaamijkii Dib u habeynta dhaqaalaha ee Hay’adda Lacagta iyo Bankiga Adduunka.

Dadka siyaasada gorfeeya ayaa sidoo kale ku tilmaama nin dagan oo ay adag tahay iney dadka is qabtaan waxaana halkaas madaxweyne Farmaajo uga muuqata fursad fiican madaama uu raadinaayo qof ay adag tahay iney is qabtaaan.

Waxaa sidoo kale uu u muuqdaa mid taageero badan ka heysta beeshiisa, si walbaba madaxweyne Farmaajo ayaa maanta la wareegaya xafiiska madaxtooyada waxaana la filaya inuu maalmaha soo aadan bilaabo kulamada la xiriira xulista Ra’iisul wasaaraha cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com