28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

DUBAI oo noqotay magaalo Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) Wariye ka tirsan VOA-da oo booqatay magaalada Dubai ee xarunta dalka isku taga imaaraadka carabta, ayaa soo sheegtay in magaalada ay noqotay meel ay isku bandhigaan musharrixiinta u taagan doorashada maamulka Puntland oo dhaceysa horaanta sannadka na soo aadan 2014-ka.

Wariye Faadumo Yaasin, ayaa sheegtay in magaalada laga dareemayo olole ballaaran oo ku aadan doorashadda Puntland oo ay u taagan yihiin 10-musharrax oo uu ku jirro madaxweynaha hadda xilka haya ee Cabdiraxmaan Faroole.

Magaalada Dubai waxaa ku nool Soomaali badan kuwaasoo ganacsiyo kala duwan ka sameeyay halkaas, waxaa kaloo jirta Soomaali ku jirta maamulka Imaaraadka carabta.

Musharrixiinta isku soo bandhigay Dubai, waxaa ka mid ah ra’iisal wasaarihii hore ee XKMG ah Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo ganacsato caan ah.

Bulshada reer Puntland ee ku nool Dubai waxa ay si weyn u hadal hayaan doorashada ka dhaceysa deegannada Puntland, waxaana ay lee yihiin waxaan u baahanahay ayey lee hoggaamiye daacad ah oo hormariya Puntland.

Dadka odorasa arrimaha Puntland waxa ay lee yihiin doorashadda sannadka dambe, isbadal ay ku keeni kartaa Puntland, waxaana laga yabaa in ay ka dhacaan isbadallo xooggan ama uga yaraan uu xafiiska yimaado hoggaamiye cusub.

Wariyaha oo wareysatay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Dubai, waxa ay lee dahay  magaalada ma ahan in doorashada Puntland ay u noqotay meel lagu soo bandhiggo ee waxa weeye goob Soomaalida oo dhan ay ku soo bandhigaan hamigooda siyaasadeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka |Dubai

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News