Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFS ayaa waxa ay soo gaareen caasimada midwoga Yurub ee wadanka Belguim kuwaasi oo ka kooban lix xubnood ka tirsan gudiga xuquuqul insaanka.
Wafdigan ayaa waxaa horkacayey guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Somaliya Jeylaani Nuur Iikar waxaana ay u socdaan ka qeybgalka todobaad aqoon kororsi ah oo loo sameynayo xubno ka socda baarlamaanada Somaliya iyo Uganda.
Waxaana tababarkan siineysa hay’ada Midowga Yurub u qaabilsan tababarada xildhibaanada Africa oo dhan waxaana si gaar ah loo bari doonaa ilaalinta xuquuqul insaanka.
Xildhibaan Bihaar Ugaas oo ah xogheynta gudiga xuquuqul insaanka oo socdaalkan ay ku yimaadeen Belguim la hadlay saxaafadda ayaa saxaafadda u sheegay inuu aqoon kororsigan u yahay mid qiimo weyn ugu fadhiya islamarkaana ay jecel yihiin sidii ay wixii ay bartaan dalka dib ugula laaban lahaayeen.
” Waxa aan halkan ka baran doonaa waxaa ka mid ah qaabka loo difaaco xuquuqul insaanka. Waxaana nala wadaagi doonaa aqoon kororsigan baarlamaanka Uganda.” ayuu yiri Xildhibaan Bishaar Ugaas.
Sidoo kale waxaa uu xildhibaan Bishaar Ugaas uu walaac ka muujiyey xaalka xuquuqul insaanka dalka Soomaaliya, isagoona si gaar ah dowlada Soomaaliya ugu eedeeyey inaysan wax badan ka qaban arrintaasi. Isagoona ka tacsiyeey geeriyda ku timid allaha u naxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Timacade.
Xildhibaan Muuse Shiikh Cumar oo dhankiisa ka hadlay halkaasi ayaa sheegay inay midowga Yurub uga mahadcelinayaan dadaalka ay kor ugu qaadayaan aqoonta xildhibaanada baarlamaanka iyo gudiyada ay leeyihiin, sida midka ay iminka Belguim ku yimaadeen.
Xildhibaan Qaali Ahmed Diiriye ayaa sheegay inay wafdigooda astaan u yihin sidii loo tayey lahaa shaqada baarlamaanka Soomaaliya,iyaddoona sidoo kale rajo wanaag ka muujisay tababarka ay kala noqon doonto Belguim inay kula noqoneyso baarlamaanka Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo tababar loo keeno wadanka Belguim waxaase uu yahay gudigii labaad ee casumaadka hela baarlamaanka Midowga Yurub si uu tababar u siiyo.
HALKAN KA DAAWO WARKAASI OO MUUQAAL AH KALA BAXAY UNIVERSAL TV:
Wixii warar ah ee kusoo kordha socdaalka xildhibaanadan kala soco wararkeena danbe iyo warbaahinta caasimada oo halkaasi ku sugan.

